Maxaa Real Madrid Ka Hortaagan Inay Dhameystirto Saxiixeedii 3aad Ee Ugu Weyn Xagaagan Ferland Mendy?

Kaliya natiijada labaad ee tijaabada caafimaadka ayaa ka horjoogta Real Madrid inay dhameystirto saxiixeedii seddexaad ee xagagaan Ferland Mendy.

Daafaca ayaa dhaawacyo badan ay soo gaareen 12kii bilood ee u danbeysay sidaasi darteed Real Madrid ayaa dooneysa inay hubiso inuu si buuxda uga soo kabsaday dhaawacyadaas.

Real Madrid ayaa tijaabada caafimaadka marsiin doonta Arbacada iyadoo Mendy uu haatan ku maqan yahay waajibaadkiisa qaran ee xulka Frace.

Tijaabada caafimaadka ee ugu danbeysa ayaa cadeyn doonto haddii uu taam buuxda yahay ka dib dhaawicii ugu danbeeyay ee sinta ka soo gaaray.

Haddii uu ku baaso tijaabada caafimaadka wuxuu noqon doonaa saxiixii seddexaad ee weyn ee Real Madrid sameyso xagaagan ka dib Luka Jovic iyo Eden Hazars.

Rodrygo iyo Militao ayaa iyagana ah saxiixyo cusub oo kooxda ku soo biiray kuwaasoo qeyb ka noqon doona tababarka Real Madrid ee ka hor xilli ciyaareedka cusub.

Ferland Mendy ayaa ka soo wareegaya kooxda Faransiiska ee Lyon kuwaasoo heshiis hordhac la gaaray Los Blancos.


Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*