Ma Rumaysan Kartid!!, Imissa Koob Oo Waaweyn Ayuu Kusoo Guuleystay Cristiano Ronaldo Tan Iyo Markii Uu 30 Jirsaday?

Cristiano Ronaldo ayaa markale xalay hoggaamiyay xulkiisa Portugal waxaana uu ku guuleeyay tartanka UEFA Nations League oo ay marti galinayeen.

Portugal ayaa wareegii afar dhammaadka kusoo reebay xulkii Switzerland waxaana ay Final-ka kula kulmeen Netherlands oo meel iska soo saaray England ugu dambayna xulafada CR7 ayaa 1-0 ku guuleystay.

Ronaldo ayaa ku qiimaysan mid kusoo najaxay marka ay noqoto kubadda cagta heer kooxeed iyo mida xulkiisa Portugal.

Weeraryahanka Juventus oo haatan 34 sano jir ah ayaa 2 koob kula soo guuleystay Portugal halka uu 27 koob oo kale lasoo qaaday 27 kooxood oo kala duwan – Sporting Lisbon, Manchester United, Real Madrid iyo Juventus.

Xiddigo dhawr ah ayaa soo gaadhi kara ama ka sarreeya heerka koobab ahaaneed ee Ronaldo balse waxa cajiibnimo khaas ah leh tirada koobabka ah ee uu kusoo guuleystay tan iyo markii uu 30 sano jirsaday.

Xaqiiqdii, Ronaldo ayaa mid kamid ah wakhtiga ugu guulaha badan waayihiisa ciyaareed uu yahay markii uu soo gaadhay 30 sano jir iyo wixii ka dambeeyay oo uu wakhtigaas kusoo guuleystay 12 koob oo waaweyn.

Tan iyo markii uu soo gaadhay da’daas ciyaartoyda badani ay kaga gudbaan wakhtigooda wacan Ronaldo ayaa soo qaaday saddex Champions Leagues, La Liga, Serie A, Spanish, Italian Super Cup, Laba Club World Cups, Nations League, Euro 2016 iyo UEFA Super Cup.

p1dd03kir61sql1q9ob2e170d13de9.jpg

Tiradaas koobabka ah ayaaba cajiib ah haddii uu ciyaartoy ku guuleysto waayihiisa ciyaareed oo dhan iskaba dhaaf inuu kaliya afar sano gudahood sidaas ku sameeyo e’.

Si kastaba, Ronaldo ayaan muujinayn wax calaamado ah oo hoos u dhac ah marka laga yimaado inuu kujiro badhtamaha da’da sodomaadka waxaana macquul ah in markale dunidu aragto isaga oo sii hananaya koobab intan ka badan.


2 Fekradood

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*