Maamulka Sarre ee Kooxda Chelsea Oo Go’aamiyay Bedelka Hoggaankii Kooxdooda Ee Eden Hazard & Shuruuda Ay U Baahan Doonaan Inay Marka Hore Buuxiyaan.

Maamulka kooxda Chelsea ayaa lagu soo warramayaa inay go’aamiyeen shaqsiga bedelka u noqonaya hoggaankii kooxdooda ee Eden Hazard oo dhawaan kooxda ka tagay kuna biiray kooxda riyadiisa ee Real Madrid.

Chelsea ayaa heshiiskaas ku heli karta lacago u dhexeeya 100 ilaa 130 Milyan walow aan si buuxda loo shaacin qiimaha ay ku fasaxeen 28 jirka ree Belgium waxaana ay haatan ku jiraan raadinta shaqsigii bedeli lahaa.

Sida uu sheegayo wargeyska Daily Mail, Blues ayaa go’aansaday inay Hazard bedel uga dhigtaan Leon Bailey oo ah 21 sano jir si weyn iskugu soo muujiyay kooxda ree Germany ee Bayer Leverkusen.

Bailey ayaa kamida xiddigaha soo kacaya ee horyaalka Germany marka laga yimaado in xilli ciyaareedkan dhammaadka ay qaab ciyaareedkiisa uu hoos u dhac ku yimid.

Si kastaba, Kooxda ree London ayaan si sahlan ku heli doonin Bailey waxaana ay Leverkusen dalban doontaa aduun lacageed oo dhan 80 Milyan waxaana taas qasbi doona in kooxdu ay horeba u fasaxday Julian Brandt oo Dortmund u wareegay.

Chelsea ayaan kaliya 21 sano jirkan u arag bedelka Hazard balse waxa uu sidoo kale ula muuqdaa mid u fududayn kara inay kooxda ka fasixi karaan Willian iyo Pedro.

Christian Pulisic ayaa horeba u noqday ciyaartoy Chelsea ah waxaana uu kulamada ka horreeya xilli ciyaareedka iyo isku diyaarintooda kula biiri doonaa xiddigaha kale ee kooxda dhawaan.

Waxa ugu muhiimsan ahna shuruuda ka horraysa in Chelsea ay dhaq-dhaqaaq samayso ayaa ah in marka hore laga aqbalo racfaanka ay u gudbisay maxdakama xalinta khilaafaadka ciyaaraha ee CAS.

Haddiiba ay Chelsea ku guuleysato in laga qaado ganaaxa suuqa ka saaran ayay sidoo kale doonaysaa inay safkeeda kusoo darto da’yarka Ajax ee David Neres.


3 Fekradood

  1. Wax walba waa kala horeeyan marka hore waa in kooxdu meel saarto mustaqbalka sari ball in fasaxday iyo in kale haday fasaxday ay si deg dega u mag cawdo badal kiisa ka bacdi dhinaca maxkamadda uga shaqayso tababaraha cusubna uu ciyaartoyda uu haysto u diyaariyo

  2. Hadalkii fabregas wax badan ayaa runo wax badan oo aanay ogayn ayaa ka jira gudaha kooxda chelsea football club waa inay maamul ka kooxdu la hadlaan tageerayasha ama is casilaan Chelsea haday kusii socoto waa bur burin walahay

  3. walaahi waarun aqalka ma dushaa lagaa dhisaa mise
    seeska?jawaabtu waxaa weeyi
    markahore ha xaliso mustaqbalka sarri dabeetana
    racfaan haka qaataan maxkamada dabeetana ciyaartoyda ay doonayaan hasoo iibsadaan

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*