Xiriirka Ka Dhaxeeya Qoyska Osama Bin Laden Iyo Kooxda U Soo Dalacday Premier League Sheffield United Oo Daaha Laga Rogay

Kooxda u soo dalacday horyaalka Premier League Sheffield United ayaa seddex milyan oo ginni ka amaahatay qoyska Osama Bin Laden.

Arintaan ayaa soo shaac baxday ka dib kiis maxkamadeed oo ka dhacay UK halkaasoo milkiilayaasha Sheffeild United Kevin McCabe iyo Prince Abdullah Bin Mosaad Bin Abdulaziz Al Saud ay ku dagaalamayaan koontaroolka kooxda ka dib markii uu xumaaday xiriirka labada nin labo sannadood ka hor.

Maalintii afaraad ee ay socotay dhageysiga dacwada u dhaxeysa labada nin oo aheyd Khamiistii ayaa qareenka Prince Abdulah oo lagu magacaabo Andeas Gledhill waxa uu maxkamada ka sheegay deynta seddexda milyan ginni ee laga qaatay qoyska Osama Bin Laden, waxaana uu ku dooday Mr. McCabe inuu si buuxda uga warqabay in deynta ay timid qoska Bin Laden.

Mr. Gledhill ayaa maxkamada tusay email ay isdhaafsadeen McCabe iyo agaasimaha kooxda Jeremy Tutton oo uu MR Tutton ku sheegaya inuu ka baqaya cinwaanada ay wargeysyada ka qori doonaan marka ay ogaadaan cida lacagta laga amaahda sida in lacag laga amaahday xagjirka.

Email-kaas ayaana qareenka Mr Gledhill ku dooday inay cadeyn u tahay in Mr. McCabe uu ka warqabay cida deynta laga qaatay, laakiin McCabe ayaa beeniyay isagoo sheegay in emailkaas uu ahaa kaftan.

Iyadoo uu socdo dagaalka la xiriira koontaroolka kooxda ee u dhaxeeya McCabe iyo Prince Abdullah oo midkiiba uu boqolkiiba 50 leeyahay kooxda hadana Sheffield United ayaa ku dhameysatay kaalinta labaad ee horyaalka heerka labaad ee Ingariiska iyadoo u soo dalacday Premier League ka dib 12 sannadood oo ay ka maqnaayeen.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*