SAWIRRO: Jilayaasha Musalsalka Caanka Ah Game Of Thrones Iyo Kooxaha Kubada Cagta Ay Taageeraan

Musalsalka caanka ah ee dunida laga jeclaaday Game of Thrones ayaa sannadkan la soo gabagabeynayaa iyadoo ay gabagabadiisa ka harsan tahay kaliya hal xalqad ama qeyb.

Hadaba waxaan eegi doonaa jilaayaasha ugu caansan musalsalkaan iyo kooxaha kubada cagta ee ay taageereaan.

Kit Harington

Kit Harrington waa aktarka musalsalka ku matala Jon Snow waana taageere weyn oo Manchester United ah, dhawaan ayuu booqday Old Trafford isagoo sawiro la galay ciyaartoyda kooxda iyo weliba tababare Ole Gunnar Solskjaer.

musalsalka game of thrones

Ian Glen iyo Conleth Hill

Aktarada Conleth Hill (bidix) iyo Iain Glen (midig), oo musalsalka ku mata Vary iyo Jorah Mormont waxa ay iyaga taageero u yihiin Man United, waxaana ay ku faraxsanaayeen inay la kulmeen goolhaye David de Gea.

musalsalka game of thrones

Nicolaj-Coster Waldau

Nikolaj Coster-Waldau oo musalsalka ku mata Jamie Lannister waa taageere Leeds United ah. Aktar waxa uu dhawaan tababaraha Leeds ku husay barnaamijka TV-ga Mareykanka ee Jimmy Kimmel Live isagoo daawadayaasha joogay istuudiyaha ka dalbaday inay ku heesaan “In Biesla, we trust”. Laakiin daawadayaasha Mareykanka ma aysan fahamsaneyn wuxuu kala jeedo.

musalsalka game of thrones

Alfie Allen

Alfie Allen oo musalsalka Game of Thrones ku matala Theon Greyjoy waa taageero Arsenal ah.

Sean Bean

Sean Bean oo musalsalka ku mata Ned Stark waa taageere kooxda Sheffield United ah.

Peter Dinklage

Aktarka Mareykanka ee Peter Dinklage oo ku matala musalsalka Tyrion Lannister si dhab ah looma yaqaano kooxda kubada cagta ee uu taageero laakiin waxa uu qeyb ka ahaa jilaayaasha musalsalka ee booqday garoonka kooxda Sevilla ee horyaalka Spain markii musalsalka lagu jilayay magaalada Seville.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*