Azerbiajan Oo Balanqaaday Amaanka Henrikh Mkhitaryan Finalka Europa League Laakiin Arsenal Ma Aqbali Doonto

Xiriirka kubada cagta Azerbaijan ayaa sheegay inaysan wax dhibaato ah ku imaan doonin amaanka Henrikh Mkhitaryan haddii uu tago caasimada Baku finalka Europa League ee ay Arsenal la ciyaari doonto Chelsea, inkastoo aysan Gunners weli u badneyn inay xiddiga reer Armenia ku darsato kooxdeeda.

Ma jiro xiriir diblumaasiyadeed oo u dhaxeeya wadamada Azerbaijan iyo Armenia iyagoo isku heysta gobolka Nagorno-Karabakh, waxaana Mkhitaryan laga saaray kooxdii Gunners ee u safartay caasimada Azerbiajan ee kooxda Qarabag kulankii wareega group-yada ee Europa League ee bishii October.

Qaar ka mid ah taageerayaasha Arsenal ee asalkooda uu ka soo jeedo Armenia balse heysta dhalashada Britain ayaa iyaga xitaa loo diiday fiisihii ay ku tagi lahaayeen Azerbaijan.

Laakiin Elkhan Mammadov oo ah xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta Azerbaijan ayaa sheegay in muddo isbuucyo ah ay ka shaqeynayeen sidii ay ku xalin lahaayeen arinta Mkhitaryan.

“Dowladeena waxa ay u balanqaaday UEFA in Mkhitaryan uu imaan karo Bake, sidaasi darteed wax dhibaato ah kama jiri doonto amaankiisa” ayuu u sheegay jariirada Daily Telegraph .

“Xitaa ka hor inta aysan Arsenal u soo bixin fianlka, waxaan codsi ka helnay UEFA oo ay ku doonayeen inaan u ogolaano inuu helo fiiso, waxaana madaxda dalkeena ay sameeyeen wax walba oo lagu sugi karo amaanka Mkhitaryan marka uu yimaado Baku.”

Arsenal ay balanqaad sidaan oo kale loo sameeyay ka hor kulankoodii wareega group-yada ee Baku, laakiin markaas ma aysan rabin inay halis geliyaan amaanka ciyaaryahanka.

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*