“Ninkii Wanaagsanaa Saddex Bilood Kaddib Waa Boombalo (Caruusad)” – Jose Mourinho Oo Si Xun U Fadeexadeeyay Tababarihii Shaqada Man United Ka Bedelay Ee Solskjaer.

Tababarihii dhawaan laga caydhiyay kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa si xun dhulka ugu jiiday shaqsigii ka bedelay xilkii tababarenimo ee kooxdaas ee Ole Gunnar Solskjaer kaas oo haatan mudo bilooyin ah xilka hayay.

Mourinho ayaa markale saxaafada u warramay waxaana uu sidii caadada u ahayd hadlay isaga oo aan cidna kala jeclayn oo shaqsi kasta waxa uu ka arko si aan gabasho lahayn u sheegaya.

Tababaraha ree Portugal oo u warramay wargeyska France laga leeyahay ee ‘L’Équipe’ ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan tirada koobabka Pep Guardiola iyo koobab la’aanta PSG ka haysata qaarada Yurub oo aan labadaba hore idiinku soo gudbinay.

Mourinho ayaa ahaa mid ay saaka kusoo shirtagtay saxaafada England waxaana uu kasoo muuqday boggaga hore ee wargeysyada The Times iyo The Mirror kaddib markii uu boombalo ama caruusad lagu cayaaro ku sifeeyay Solskjaer.

Haddaba, Special One ayaa si dadban uga warramay inuusan wax taageero ah ku haysan kooxda sidaa darteedna uusan doonayn inuu noqdo nin wanaagsan maadaama Ole oo uu haatan u arko nin wanaagsan balse saddex bilood kaddib dhibaatooyin lasoo darseen.

Mourinho ayaa yidhi “Marka aad tahay mid kali ah oo aanad haysan taageerada kooxda kuu dhaw, Iyadoo ciyaartoyda qaar ay kasoo hor-jeedaan tababaraha kaas oo ah nin wanaagsan”

“Anigu ma doonayo inaan noqdo ninka wanaagsan sababtoo ah ninkii wanaagsanaa saddex bilood kaddib waa boombalo taasina si wanaagsan kuma dhammaanayso”

Ole Gunnar Solskjaer ayaa bilihii ugu horreeyay si wanaagsan ula soo gudbay Man United balse tan iyo markii tababaraha rasmiga ah ee kooxda laga dhigay ayay soo food-saartay xaalad natiijo xumo ahi.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*