Kadib Guushii Koobka Horyaalka Holland Ee Ajax, Matthijs de Ligt Oo Mustaqbalkiisa Ka Hadlay.

Kooxda Ajax ayaa loo caleemo saaray koobka horyaalka dalka Holland ee  Eredivisie  waxayna xalay oo dhan u dabaal degayeen koobkoodii 34 aad ee horyaalka.

Kabtanka kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt oo ah difaaca loogu doonista badan yahay horyaalada Yurub ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa Ajax.

Kooxaha Barcelona, PSG, Liverpool, Real Madrid, Man United iyo waliba kooxo kale oo badan ayaa ku dagaalamaya saxiixa kabtanka Ajax ee Matthijs de Ligt.

Laakiin Matthijs de Ligt ayaa iska diiday in uu ka hadlo in uu saaxiibkiisa De Jong u raacayo kooxda Barcelona wuxuuna muujiyay in uu xaalada ka fikiri doono.

Barcelona ayaa ilaa hadda ugu cad cad tartanka Matthijs de Ligt laakiin waxaa jira walwal ay ka qabaan in Liverpool ay saamaynta Van Dijk oo ay isku xul yihiin De Ligt ay uga dul qaadi karto difaacan.

Matthijs de Ligt oo mustaqbalkiisa Ajax ka hadlaya ayaa yidhi: “Isla Hadda ayaanu ku guulaysay (horyaalka),mana aha waqtigii laga hadli lahaa in aan la baxayo Frenkie De Jong”.

“Waxaa waajib igu ah in aan waxyaabaha ka fikiro xagaagan isla markaana waxaynu arki doonaa waxa dhaca” ayuu De Ligt hadalkiisa sii raaciyay.

Matthijs de Ligt oo qiimaynaya xili ciyaareedka Ajax ayaa yidhi: “Waxa uu ahaa xili ciyaareed fiican, waxaan ku soo raaxaystay koobka (maxaliga ah) iyo Champions league inkasta oo cidhibtirkii Tottenham uu dhaawac ahaa”.

“Laakiin waxa aan inta ugu badan jeclaystay waa ruuxda kooxda. Waxaanu nahay guruub saaxiibo ah, waxaanu kubbada u ciyaarnaa sidii aanu joogno garoonka iskuulka, dabar isku xidha ayaanu abuurnay, waanu u han waynahay” ayuu De Ligt hadalkiisa ku soo xidhay.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*