PSG Oo Lacag €210 Milyan Ah Ku Dalbanaysa SADDEX Ciyaartoy Oo Real Madrid Ka Tirsan.

Suuqa xagaaga ayaa la filayaa in uu noqon doono midkii abid lacagaha ugu badnaa lagu kharash gareeyo iyada oo kooxo badan oo waa wayni ay doonayaan in ay dib u qaabayn isku sameeyaan.

PSG ayaa ka mid ah kooxaha doonaya in ay dib u habayn isku sameeyaan kadib fashilkii xili ciyaareedkan markale ka soo gaadhay tartanka Champions League waxayna saddex ciyaartoy oo khibrada Champions League leh ka doonayaan Real Madrid.

Iyada oo Real Madrid ay lafteedu tahay kooxaha xagaagan diyaarka u ah in ay isbadal wayn sameeyaan isla markaana xidigo badan laga dareerin doono Bennabeu ayay PSG doonaysaa in ay lacag 210 milyan ah ku kharash garayso ciyaartoy Madrid ka tirsan.

Wargayska maalin laha ah ee dalka France ka soo baxa ee Le Parisien ayaa shaaciyay in madax waynaha PSG ee Al-Khelaifi uu doonayo saxiixyada Toni Kroos, Isco iyo Gareth Bale.

Gareth Bale ayaa ah mid aan haddaba wax qayb ah ka noqon doonin qorshaha Zidane ee xili ciyaareedka cusub waxayna PSG noqon kartaa kooxda kaliya ilaa hadda xiiso u haysa xidiga reer Wales halka Isco laftuusu aanu cago adag ku taagnayn.

Laakiin Toni Kroos ayaa la filayaa in uu qayb ka yahay qorshaha Zidane balse sida uu qoray Le Parisien waxay PSG doonaysaa in ay Madrid kala soo wareegto Bale, Isco iyo Kroos kuwaas oo ay ku dalban karto 210 milyan yuro.

Waxaa soo baxayay warar sheegaya in Real Madrid ay diyaar u tahay in Gareth Balee uu amaah ugu biiro kooxdiisii hore ee Tottenham iyada oo waliba kala badh mushaarkiisa Los Blancos bixin karta laakiin haddii ay PSG dalab la timaado waxa uu heli karaa fursad uu kaga baxo Bernabeu.

Laakiin wararka ayaa intaas ku daray in haddii ay PSG hesho saxiixyada Bale, Isco iyo Kroos, in ay taasi keeni doonto in Paris ay ka bixi doonaan Edinson Cavani iyo Julien Draxler.

Laakiin Real Madrid ayaa PSG ka doonaysa saxiixyada Kylian Mbappe iyo Neymar Jr kuwaas oo dhinacooda wada xaajoodya qayb uga dhigi karaan inkasta oo aan la filayn in maamulka PSG ay wada xaajood ka gali karaan Mbappe iyo Neymar.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*