Erayadii Uu Ronaldo Ku Caayay Alessandro Florenzi Xalayto, Jawaabtii Uu Florenzi Garoonka Ku Dhex Bixiyay & Qaabkii Uu U Weeraray CR7 Kulanka Kaddib.

Kulankii xalay dhex maray kooxaha Juventus iyo AS Roma ayuu qayb ka ahaa khilaaf soo kala dhex galay weeraryahanka Juve ee Cristiano Ronaldo iyo daafaca kooxda caasimaa ee Alessandro Florenzi.

Juventus oo horeba ugu guuleysatay horyaalka Serie A ayaa booqatay Roma oo doonaysay inay hesho dhibco si ay ugu sii loolanto kaalmaha Champions League loogu soo baxo.

Haddaba, Kaddib marka ay labadan xiddig isku dhaceen ayuu Ronaldo ahaa shaqsiga bilaabay af-lagaadada waxaana uu Florenzi ugu yeedhay “Cilin/ Qof gaaban” iyadoo erayadaasi noqdeen kuwo ka cadhaysiiyay daafaca Roma.

Daqiiqado kaddib Florenzi ayaan afka ka hadal balse lugta ku jawaabay waxaana uu gool cajiib ah dhex dhigay shabaqa Juventus isaga oo hoggaanka u dhiibay kooxdiisa kahor intii uusan Dzeko dhalin goolka labaad ee waxkasta soo af-jaray.

Intaa kaddib markii kulanku soo dhammaaday ayuu Florenzi saxaafada u warramay isaga oo CR7 ku eedeeyay mid isku haysta inuu xaq u leeyahay samaynta waxa uu doono maadaama oo uu kusoo guuleystay abaalmarinta xiddiga dunida.

Isaga oo dhinaca kale ka warramay wax ku saabsan kulanka sidoo kalena amaan weyn u jeediyay tababare Claudio Ranieri oo uu ku sheegay mid bedel haboon kulanka soo galiyay.

Alessandro Florenzi ayaa yidhi “Cristiano waxa uu u malaynayaa inuu xaqa uu ku samaynayo waxa uu doonayo sababtoo ah waxa uu ku guuleystay Ballon d’Or”

“Anigu sidoo kale waan yidhaahdaa wax badan oo xuna waan ka sameeyaa garoonka dhexdiisa, Waxa ka dhaca garoonka dhexdiisa waxa uu joogayaa garoonka dhexdiisa, Waanu ogayn inaysan noqon doonin wax sahlan in la garaaco Juve, Waligeed may noqon”

“Waxaanu u ciyaarnay inaanu guuleysano anaga oo isku dayayna in aanaan guuldaraysan, Ranieri waxa uu qaatay go’aanada saxsan, Keenistii Under waxa ay ahayd mid asaasiya”

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*