TOP 10: Shabakada GOAL Oo Qiimayn Buuxda Ku Samaysay 10-ka Tababare Ee Ugu Koobabka Badan, Haddii Sir Alex Ferguson Booska Koowaad Laga Qaaday & Kala Sarreynta Mourinho Iyo Guardiola.

Marka ay noqoto tababaraha ugu fiican taariikhda kubadda cagta dabcan waxa adag in laga dul talaabsado tababarihii hore ee kooxda Manchester United ee Sir Alex Ferguson.

SAF ayaa waayihiisa kasoo bilaabay kooxda Aberdeen oo uu magaciisa kusoo bilawday halka uu darajada halyeeynimada ku gaadhay Man United oo uu mudo ku dhaw 27 sano tababaraheeda soo ahaa.

Sidoo kale waxa ay adagtahay in shaki la galiyo in tababare Pep Guardiola uu soo ahaa tababaraha ugu fiican kubadda cagta tobbankii sano ee ugu dambeeyay isla markaana haddiiba tababare uu dhaafayo Ferguson uu yahay Pep.

Si kastaba, Tababaraha ree Spain ayaan wali u dhawayn guulaha Ferguson marka laga yimaado inuu wakhtiyo wanaagsan kula soo raaxaysay kooxaha Barcelona, Bayern iyo haatan Man City.

Gudaha toddobaadkan ayay shabakada GOAL qiimayn buuxda ku samaysay tobbanka tababare ee ugu fiican taariikhda iyadoo loo eegayo koobabka ay kusoo guuleysteen.

Waxa ay warbixintu xaqiijisay in Sir Alex uu yahay midka koowaad ee aan xataa lagu dhawayn waxaana uu 17 koob dheer yahay tababaraha ugu soo dhaw.

Dhinaca kale waxa kamid ah mawduuca xiisaha weyn leh ayaa ah midka sarreeya ee koobab badan labada tababare ee Pep Guardiola iyo Jose Mourinho kuwaas oo iyagu sanadihii ugu dambeeyay aad iskugu soo dhawaaday.

Jose iyo Pep ayaa haatan isku koobab ah balse waxa fursada uu laba koob ku sarre maro haysta Guardiola oo berri hanan kara Premier League mudo kooban kaddibna ciyaari doona Final-ka FA Cup.

Halkan Kaga Boggo Kala Horreynta Tobbanka Tababare Ee Ugu Koobabka Badan Caalamka

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*