CAJIIB: Diego Simeone Oo Si Cilmiyaysan Ugu Kala Gar Qaaday Cristiano Ronaldo & Lionel Messi Iyo Kala Farqigooda Oo Uu Faah-Faahiyay.

Tababaraha kooxda Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa ka hadlay kala duwanaanshaha xiddigaha inta ugu badan kusoo xifaaltamayay dabaqada ugu sarreysa ee kubadda cagta ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo uu isagu labada tababarenimo kaga hor tagay.

Simeone ayaa si wanaagsan u yaqaana waxa ay ka dhigantahay in laga hortago labadan xiddig waxaana uu lasoo tacaalayay halistooda tan iyo markii uu la wareegay Atletico sanakii 2011.

Guusha ugu weyn ee uu Simeone ka gaadhay xiddigahaas ayaa ah inuu ku garaacay horyaalka La Liga kooxahooda sanadkii 2014-kii.

Tababaraha ree Argentina ayaa sheegay in kala duwanaanshaha labadan xiddig yahay in Cristiano Ronaldo uu kaga haboon yahay Messi koox xal yar leh balse uu Messi kusoo baxayo kaliya kooxaha kubadda qiimeeya ee weerartama.

Diego oo sharaxaadiisa bixinaya ayaa yidhi “Waxa aan tix geliyo ayaa ah in koox leh xalal yar uu Ronaldo kaga haboon yahay sababtoo ah waxa uu bixiyaa xalal badan, Koox diirada saarta kubadda cagta Messi ayaa in badan kaga fiican”

“Waxa aynu ka hadlaynaa xadad aad u fiican oo sida ay kooxi u ciyaarto ah, Cristiano waxa uu kulan ku go’aamin karaa hab ka duwan, Isagu uma baahna tobban weerar, Laba madax ayuu naga dhaliyay anaga waananu hadhnay”

“Labaduba waxa ay u baahan yihiin koox laakiin kala duwanaanshuhu waa mid aad u yar, Lionel oo ku jira koox weerartanta waxa uu markasta u ciyaaraa si wanaagsan, (Ronaldo) waxa uu kulan ugu guuleysan karaa laba ficil oo uu sameeyo, Waxa uu fududeeyaa xalalka”

“Messi waa mid soo jiidasho badan sababtoo ah waxa uu ciyaaraa kubad habaysan, Leo waxa uu u ciyaaraa koox ixtiraamta dhammaan hibadiisa, Waxa uu markasta helaa xalalka”

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*