“Neymar Waxa Uu Iloobay Inuu Yahay Ciyaartoy Kubadda Cagta Ah” – Tababarihii Hore Ee Real Madrid Ee Venderlei Luxemburgo Oo Sheegay In Neymar PSG Lagu Kool-Kooliyay.

Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid ee Venderlei Luxemburgo ayaa ka warramay wax ku saabsan dabeecadaha iyo dhaqamada garabka kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar JR.

Luxemburgo oo u warramayay Radio Jornal ayaan waxba ka sheegin xirfada heerka sarre ah ee xiddigan balse waxa uu dhaliilay habka uu u dhaqmo isaga oo ku sifeeyay inuu yahay midd gabi ahaanba iloobay inuu yahay ciyaartoy kubadda cagta ah.

Venderlei Luxemburgo ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Waxa uu u baahanyahay inuu la sheekaysto tababaraha oo uu kala hadlo waxkasta oo ku saabsan nolosha kubadda cagta iyo France-ba , Ciyaartoygu waa mid aad loo xakameeyay”

“Maaha kaliya tababarayaasha, Agaasimayaashu sidoo kale isaga waxay siiyeen dhaqan gaar ah (Si ka duwan xiddigaha kale ayay u wanaajiyeen)”

Luxemburgo ayaa ujeedada guud ee hadalkiisan uu kaga warramayo Neymar kusoo koobay “Neymar waxa uu iloobay inuu yahay ciyaartoy kubadda cagta ah”

Dhaqamada mudooyinkii ugu dambeeyay ee 27 jirkan ayaa ah kuwo aan wanaagsanayn oo aan la aqbali karin waxaana uu ganaax kasoo helay xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA kaddib markii uu af-lagaado kula kacay garsoorkii kulankii PSG vs Man United.

Markale Neymar ayaa dhacdo aan wanaagsanayn kasoo sameeyay Final-kii Coupe De France waxaana uu kaddib fashilkii kooxdiisa kasoo gaadhay kooxda Rennes feedhay taageere garoonka ku jiray.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*