Walee Barcelona Ma Qanacdo – Madaxda Suuqa Ee Barca Oo Liiska Xiddigaha Ay Doonayaan Ku Darsaday Xiddig Ka Tirsan Kooxda Xurgufta Suuqeed Ka Dhaxayso Ee PSG.

Maamulka suuqa kala iibsiga ee kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay markale wajahi doonaan dhigooda Paris Saint-Germain iyaga oo damacoodu yahay Angel Di Maria oo kooxdaas wacdarro ku dhigaya haatan.

Afar sano oo uu soo joogay Di Maria magaalada Paris ayaa noqon kara kuwo soo dhammaada iyadoo uu haatan xiddigani ku hoos muuq beelay Kylian Mbappe iyo Neymar JR oo inta ugu badan labada garab uga ciyaara PSG.

Di Maria oo 31 sano jir ah ayaa xilli ciyaareedkan soo diiwaan gashaday tirooyin wanaagsan waxaana uu soo dhaliyay 17 gool halka uu 15 kale caawiye kasoo noqday.

L’Equipe oo ah wargeys caan ka ah France ayaa soo wariyay xiisaha ay Barcelona markale u muujin doonto i Maria oo ay horeba PSG ugu diiday inay la saxeexato sanado dhawr ah kahor.

Intaa waxa dheer in Barcelona aysan kali ku ahayn xiisaha loo muujinayo 31 sano jirkan balse waxa sidoo kale hinaceeda tartanka kaga jirta Atletico Madrid.

Dhawaan ayay ahayd markii Di Maria wax laga weydiiyay xaaladiisa Paris Saint-Germain waxaana uu sheegay inuusan marnaba ka tagi doonin ilaa uu kula guuleysto tartanka Champions League.

Di Maria ayaa yidhi “Ma tagi doono ilaa aan ku guuleysto Champions league, Haddii aan heshiiska cusboonaysiiyay sababtu waxa weeyaan inaan hammi ah inaan ku guuleysto halkan leeyahay”

Marka laga yimaado in Di Maria uu keydka u galay Mbappe iyo Neymar ayuu hadana heshiiska u kordhiyay kooxdiisa dhammaadkii 2018 isaga oo gaadhsiiyay ilaa sanaka 2021.

Ugu dambayn, Lama oga haddii Barcelona ay PSG oo ay xurguf suuqa ahi kala dhaxayso ka heli doonto saxeexa Angel maadaama ay dhawaanahan labada kooxood xiddigo badan isku soo diideen.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*