Macquul Ma Tahay In Cristiano Ronaldo Tababare Noqdo Kaddib Waayihiisa Ciyaartoynimo? CR7 Oo Jawaab Siiyay Dadka Tababarenimo La Jecel.

Weeraryahanka kooxda Juventus iyo xulka qaranka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay haddii uu noqon doono tababare kubadda cagta ah kaddib marka uu si rasmi ah usoo dhammaado waayihiisa ciyaareed ee quruxda badani.

Ronaldo oo 34 sano jir ah ayaa wacdarro kusoo dhigay ka ciyaartoy ahaan isaga oo kusoo guuleystay shan jeer oo abaalmarinta Ballon d’Or ah iyo shan jeer oo Champions League ah waxaana intaas ka badan abaalmarinaha kale ee shaqsiyeed iyo wadareed ee uu soo hantay.

Ronaldo oo heshiiskiisa haatan ee Juve uu yahay mid ku eeg ilaa dhammaadka 2022 ayaa si cad u sheegay inay macquul tahay inuu noqdo tababare kubadda cagta ah.

Cristiano oo waraysi siinayay ICON magazine ayaa markii su’aasha ah haddii uu tababare noqonayo la weydiiyay yidhi “Anigu meesha kama saarayo (Inaan tababare noqdo)”

Dhinaca kale Ronaldo ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka uu ula qabsaday kooxda Juventus oo uu xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ku qaadanayo guulo la taaban karona lasoo gaadhay.

“Waa inaad noqoto mid is dhul dhiga, Waa inaad ogaato in aanad waxkasta garanayn, Haddii aad tahay mid caqli badan waxaad helaysaa waxyaabo yar yar oo kusii wanaajiya ka ciyaar yahan ahaan”

“Juve gudaheeda waxaan ula qabsaday si wanaagsan, Waxay arkeen inuusan jirin wax faalso ah oo aniga igu saabsani, (Waxay yidhaahdeen) Isagu waa Cristiano wuxuuna yahay wuxuu yahay sababtoo ah waxa uu xanaaneeyaa naftiisa”

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*