CEEBTII Ethiopia: Mo Farah Oo Lagu Baadhay Addis Ababa, Haile Gebrselassie Oo Lagu Eedeeyey, Haweenay Uu Farah Weeraray Iyo Ceebaha Kasoo Baxaya Safarkiisii Itoobiya

Oroyahanka reer UK ee asalkiisu Soomaaliga yahay ee Sir Mo Farah ayaa lagu baadhay magaalada Addis Ababa, halkaas oo lagaga dhacay lacag iyo alaabooyin kale oo qaali ah xilli uu tababar ku samaynayey.

Mo Farah oo shalay ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ku qabtay London, ka hor ciyaaraha London Marathon ee Axadda, waxa uu si qiiro leh ugu xusay falal lagula kacay maalmo dhoweyd oo uu ku sugnaa dalka Ethiopia, halkaas oo uu doonayey inuu ku sameeyo tababar uu ugu diyaar-garoobayey ciyaaraha toddobaadka soo socda bilaabmaya.

Sir Mo Farah waxa uu Addis Ababa ka degay Hotel uu leeyahay halyeygii orodka ee reer Ethiopia ee Haile Gebrselassie oo leh barxado waaweyn oo lagu sameeyo orodka, meelo lagu jimicsado iyo goobo ciyaareed oo kale.

Waqti ku beegnayd subax hore, waxa uu furaha qolka uu degganaa uu u dhiibay shaqaalaha xafiiska soo-dhoweynta si ay ugu sii hayaan inta uu tababarka ku maqan yahay, laakiin markii uu soo laabtay waxa uu qolka uu degganaa ka waayey Saacad qaali ah, laba telefoon oo kuwa gacanta ah, lacag qadarkeedu dhamaa £2,579 iyo lacago kale oo afar nooc ka koobnaa.

Sida uu ka sheegay shirkiisii jaraa’id ee shalay, Sir Mo Farah waxa uu markiiba telefoon u diray mulkiilaha hotelka oo ah Haile Gebrselassie, laakiin wax jawaab ah kama helin dhawr mar oo uu isku dayey inuu khadka telefoonka ku helo, kaddibna waxa uu u qoray farriin uu telefoonka gacanta uga diray, taas oo iyadana aanu wax jawaab ah ka helin.

Hotelkan oo lagu magacaabo Yaya Africa Athletics Village, waxa uu Farah sheegay in afarta lacagood ee kale ee laga qaatay ay kala ahaayeen 20,000 bir oo lacagta Itoobiya ah, £534, $1500, £800 iyo €100, laba telefoon, saacad nooceedu yahay Tag oo ay xaaskiisa Tania ugu keentay hadiyad maadaama ay maalintaas ahayd munaasibadda xafladda dhalashadiisa oo ay da’diisu noqotay 36 jir.

“Amaaan kama jirin qolkaas, shaqaalaha hotelka ayaa xatooyada sameeyey, waxaanan ku qasbanaaday in boolisku baadhitaan sameeyaan.” Sidaas ayuu yidhi Sir Mo Farah oo laba qareen u qabsaday kiiskan.

“Waxaan aan markaas farriin u diray Haile si aan ugu sheego waxa dhacay laakiin iima jawaabin. Xattaa anigoo hotelkiisa jooga ayaanu ii jawaabin.” Ayuu ku daray.

 

Gebrselassie waxa uu sheegay in Mo Farah uu weerar ku qaaday orodyahanad la qabo oo jimcsi ku jirtay, taasina keentay in ciidamada booliska lagu war geliyo, laakiin uu isagu soo dhex-galay oo uu sheekada damiyey.

Waxa kale oo uu Gebraselassie ku eedeeyey Mo Farah in aanu bixin lacagtii uu hotel-ka ku degganaa oo dhamayd $3000 (saddex kun oo dollar) oo uu iskaga dhoofay dalka iyadoo lagu leeyahay dayntaas, iyadoo waliba kala-badh laga daayey lacagtii uu hotelka ku deganaa.

Ugu dambayn orodyahanka reer Ethiopia waxa uu sheegay inuu sharciga la tiigsanayo Sir Mo Farah oo uu sumcad dil u geystay isaga iyo ganacsigiisaba.

1 Fekrad

  1. Mo farah miyuu waashatmy Ethiopian qol lacagi u taalo sidii furaha ugu dhiibay bankiga dhigto xataa hadaad u dhiibto Ethiopia ka lacag way ku dafirayaan lacagta way caabudaan waana tuug Aduunka laga yaqaaano lkn dadka cadaanka ah way ka baqdaan oo waxooda ma taabtaaan lkn waligaaa qof xabashi ah meel lacagi taalo ha ku Aaminin boorasada yar ee lacagta xataa mushqusha ayaan la gali jiray Adigoo Arkaya haday qaataan kama reebi kartid Adna qol lacagi ka buuxdo ayaad fure u dhiibtay

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*