WARBIXIN: Waa Kuwee Siddeeda Kooxood Ee Ilaa Haatan Booskooda Ka Diyaarsaday Tartanka Champions League Ee Xilli Ciyaareedka Dambe? Halkan Kaga Boggo Liiska Oo Dhammaytiran.

Siddeed kamid ah kooxaha ugu waaweyn Yurub ayaa iyagu ilaa haatan soo xaqiijistay booskooda tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe iyaga oo haatanba haysta dhibco ugu filnaaday inay boos samaystaan.

Walow aan wali la xaqiijin ku guuleystayaasha Champions League ee xilli ciyaareedkan haddana waxa lasii ogaan karaa kooxaha tikidhkooda xilli ciyaareedka dambe haatanba meel sii saartay.

Haddii aan ku bilawno horyaalka La Liga, Kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa haatanba haysta dhibcaha ay ku tagi doonaan Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Dhinaca kale Real Madrid oo booska saddexaad ku jirta ayay wali hortaalaa shaqo yar oo ay booskeeda ku xaqiijisan karto si lamid ah kooxda afraad ee Getafe oo iyadu u ordaysa inay markii ugu horreysay abid ka qayb qaadato tartanka ugu xiisaha badan Yurub.

Dhinaca Premier League, Loolanka ayaa wali ah mid aad u xoogan, Kooxaha horyaalka ku tartamaya ee Man City iyo Liverpool ayaa booskooda CL ee 2019-2020 haatanba gacanta ku haysta halka afarta kooxood ee Arsenal, Chelsea, Spurs iyo United ay laba kamid ah 3-aad iyo 4-aad xaqiijisan doonaan.

Horyaalka Bundesliga ayaa lamid ah oo laba farasle noqday sida Premier League waxaana booskooda Champions League ee xilli ciyaareedka dambe ilaa haatan ka xaqiijistay Germany kooxaha Bayern Munich iyo Borussia Dortmund halka labada kaalmood ee kale ay buuxin karaan Eintracht Frankfurt iyo RB Leipzig.

Dhinaca horyaalka Ligue 1-ka France ay kaliya booskeeda xaqiijisatay PSG oo xalay loo caleemo saaray ku guuleysiga horyaalkaas balse wali saddexda boos ee xiga aan wali la xaqiijin.

Ugu dambayn, Kooxda Cristiano Ronaldo ee Juventus ayaa Sabtidii qaaday horyaalka Serie A ‘Scudetto’ markii siddeedaad oo xidhiidh ah waxaana sidoo kale ay xaqiiqsadeen booskooda CL ee 2019-2020.

Dhinaca kale Napoli ayaa aad ugu dhaw inay isa soo xaadiriso halka kooxaha ree Milan ay sidoo kale wax yar u jiraan inay kusoo laabtaan Yurub markale.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*