GOLDEN BOOT: Tartanka Kabta Dahabka Ah Ee Gool Dhalinta Qaarada Yurub Oo Dib U Furmay Isaga Oo Waji Cusub Yeeshay.

Tartanka gool dhalinta horyaalada Yurub ee loogu loolamayo kabta dahabka ah ayaa u muuqda mid galay heerkii ugu danbeeyay ee abaal marinta Golden Boot-ka lagu kala guulaysan lahaa laakiin tartankan ayaa dib u furmay wuxuuna yeeshay waji cuusb oo xiiso leh. Lionel Messi ayaa ilaa hadda ah xidiga fursada ugu wayn u haysta in uu difaacato kabta dahabka ah laakiin Kylian Mbappe ayaa wacdaro cusub la soo baxay.

Lionel Messi ayaa haysta 33 gool oo horyaalka La Liga ah wuxuuna goolashan ku helay 66 dhibcood laakiin Messi ayaa ku fashilmay in uu gool dhalintan sii kordhisto kulankii ugu danbeeyay ee Real Sociedad laakiin Kylian Mbappe ayaa fursadan ka faa’iidaystay.

Kylian Mbappe ayaa awooday in uu saddexley goolal ah ka dhaliyay kooxdiisii hore ee AS Monaco kulankii ay xalay kooxdiisa PSG ugu dabaal degtay koobka horyaalka France wuxuuna hadda culays badan soo saaray Lionel Messi.

Kylian Mbappe oo hore u lahaa 27 gool ayaa kadib saddexleydiisii kulankii Moanco waxa uu yeeshay 30 gool isaga oo hadda saddex gool ku soo koobay hogaaminta Messi iyada oo Mbappe uu 30 gool ku helay ku helay 60 dhibcood.

Kylian Mbappe iyo Lionel Messi waxaa u hadhsan min 5 kulan oo horyaalada ah maadaama oo ay kooxaha Barcelona iyo PSG ciyaareen min 33 kulan oo horyaaladooda ah waxayna hadda Messi iyo Mbappe haystaan shantan kulan oo ay si rasmi ah ugu go’aamin karaan kabta dahabka ah ee Yurub.

Ma jiro hal ciyaartoy oo aan Kylian Mbappe ka ahayn oo Lionel Messi cadaadis ku saari kara kabta dahabka ah ee qaarada Yurub, waxayna hadda si cad ugu muuqataa in haddii uu Mbappe awoodi waayo in uu saddexda gool  ee uu ka danbeeyo Messi uu ka soo kabsato in markaas uu Messi markii lixaad ku guulaysan doono Golden Bootka qaarada yurub.

Fabi Quagliarella, Robert Lewandowski iyo  Krzysztof Piatek ayaa min 21 gool yeeshay halka Luis Suarez iyo Duvan Zapata ay min 20 gool soo dhaliyeen laakiin Cristiano Ronaldo oo dhaawac ku maqnaa ayaan dhaafin 19 kii gool maadaama oo uu seegay kulankii kooxdiisa Juventus laakiin Mohamed Salah ayaa yeeshay 18 gool isaga oo hadda sare u soo kacay.

Haddaba halkan kaga bogo Kala Saraynta Gool Dhalinta kabta Dahabka Ah Ee Horyaalada Yurub Iyo Xidigaha Ilaa Hadda Goolasha Ugu Badan Ka Soo Dhaliyay.

1. Lionel Messi (Barcelona) 33-gool, 66-dhibcood.

2. Kylian Mbappe (Paris Saint Germain) 30-gool, 60-dhibcood.

3. Fabi Quagliarella (Sampdoria) 22-gool, 44-dhibcood.

4. Mbaye Diagne(Kasimpasa/Galatasaray) 28-gool, 42-dhibcood.

5.Robert Lewandowski (Bayern Munich) 21-gool, 42-dhibcood.

6. Krzysztof Piatek (Ac Milan) 21-gool, 42-dhibcood.

7. Karim Benzema (Real Madrid) 21-gool, 42-dhibcood

8. Luuk de Jong | PSV | 27 gool ,40.5 dhibcood

9.Luis Suarez (Barcelona) 20-gool, 40-dhibcood.

10-Duvan Zapata (Atalanta). -20-gool, 40-dhibcood.

11.Cristiano Ronaldo (Juventus) 19-gool, 38-dhibcood.

12-Sergio Aguero (Man City) 19-gool, 38-dhibcood

=Mohamed Salah (Liverpool) -19-gool, 38-dhibcood.

=Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal) -19-gool, 38-dhibcood.

=Cristhian Stuani(FC Girona) -18-gool, 36-dhibcood.

=Nicolas Pepe (Lille) -19-gool, 38-dhibcood.

Haddaba akhriste, marka aad eegto kala saraynta gool dhalinta Yurub ee ilaa hadda xidigaha ugu sareeya, ciyaartoygee ayaad filaysaa in uu ku guulaysan doono kabta dahabka ah ee Golden Shoe-ga?

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*