“Si Toos Ah Ayaan Ula Soo Saxeexan Lahaa Kylian Mbappe Laakiin Ma Hayo Lacagtiisa” – Madaxweynaha Bayern Munich Ee Uli Hoeness Oo Diiday Saxeex Kasta Oo 100 Milyan Gaadhsiisan.

Madaxweynaha kooxda Bayern Munich ee Uli Hoeness ayaa sameeyay qirashada ah inaysan maranaba lasoo saxeexan doonin ciyaartoy qiimihiisa suuqa kala iibsigu gaadhsan yahay 100 Milyan.

Bayern ayaa suuqa xagaagan isha ku haysa samaynta dib u habayn weyn oo dhinaca safkooda duqeytida u batay ah iyaga oo haatanba xaqiijiyay inay dhammaystireen saxeexyada daafacyada ree France ee Benjamin Pavard iyo Lucas Hernandez.

Hoeness oo u warramayay wakaalada wararka ree Germany ee DPA ayaa sheegay inuu sidoo kale jeclaan lahaa saxeexa xiddiga kale ee ree France ee Kylian Mbappe kaas oo ka tirsan PSG balse uusan hayn lacagaha waalida ah uu dul yaala.

Uli Hoeness oo qoddobka 20 jirkaas ka hadlaya ayaa yidhi “Toos ayaan ula soo saxeexan lahaa Mbappe, Isagu waa cciyaartoy heer sarre ah laakiin ma hayno lacagtiisa”

Dhinaca kale Hoeness oo ka hadlaya sida uusan 100 Milyan uga bixin doonin saxeexa hal ciyaartoy ayaa sidoo kale sheegay inuusan 10 sano kahor ku fikirayn bixinta 80 Milyan oo ah kharashka ay haatan kula saxeexdeen Theo Hernandez.

“Hubaashii ma jiri doono saxeex 100 Milyan oo euro ah suuqa sanadkan, Laakiin waa inaan qirto in tobban sano kahor maan sawiran karayn bixinta 80 Milyan”

Bayern ayaa la filayaa inay ugu dambayn kooxdeedu fasaxdo labada halyeey ee garbaha uga soo ciyaarayay mudada dheer ee Frank Ribery iyo Arjen Robben kuwaas oo baal dahab ah kaga xardhan taariikhda dhaw ee Bavarians-ka.

Kingsley Coman iyo Serge Gnabry oo haatan ah xiddigaha inta ugu badan ka dheela labada garab ee kooxda ayaa la filayaa inay raacaan raadka halyeeyadaas si rasmi ahna u buuxiyaan boosaskooda.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*