Real Madrid Oo Hawlgal Aan Caadi Aheyn Ka Sameyn Doonta Suuqa Kala Iibsiga & Liiska Ciyaartoyda Lala Xiriirinayo.

Real Madrid hawlgalka ay ka sameyn doonto suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga soo aadan ayaa hadda lasii hadla hayaa, waxeyna arintaan kasoo hormareysaa xilligeeda maadaama ay kooxda isaga hartay Copa del Rey iyo Champions League, sidoo kalana aysan faro ku heynin tartanka horyaalka La Liga.

Zinedine Zidane ayaa toban bilood kadib dib ugu soo laabtay horyaalka La Liga, wuxuuna mar kale tababare u noqday Real Madrid, balse markaan wuxuu heystaa ballan qaadyo loo sameynayo, waxaa la fahamsan yahay in kooxda ay dirada saari doonto boos walba, daafac dhexe, daafac bidix, laba xiddig oo khadka dhexe ah iyo weeraryahan.

Daafacyada: Kooxda waxey xaqiijisay iney Porto kala heshiisay Eder Militao, sidoo kalana waxaa liiskeeda ku jira Matthijs De Ligt oo ka tirsan Ajax isla markaana masuul ka noqday iney kooxda ka harto Champions League, xiddigaas Juventus, Liverpool, Bayern, Barcelona & Atletico Madrid ayaa dhinac ka doonaya, si la mid ah Milan Skriniar iyo Kalidou Koulibaly ayaa ku jira.

Dhanka daafaca bidix waxey kooxda isha ku heysaa Marcos Alonso oo ka tirsan Blues, balse waxaa kaga dhaw Jose Gaya iyo Alejandro Grimaldohalka David Alaba sidoo kale uu ku jiro liiska ay suuqa ka dooneyso.

Los Blancos waxey keeni doontaa laba xiddig oo khadka dhexe ah, balse wali lama oga cidda ay dooran doonaan, Paul Pogba, Sergej Milinkovic-Savic, Thiago Alcantara iyo Miralem Pjanic ayaa ku jira liiska halka uu jiro qorshe aan buurneyn oo ah in kooxda lagu soo celiyo Matteo Kovacic.

Soo celinta James Rodriguez ayaa ah dooq furan, sidoo kale Christian Eriksen iyo Eden Hazard, ayaa liiska ka mid ah, kamana marna meesha wiilasha reer Spain Suso iyo Sarabia, si la mid ah Zaniola iyo Harvertz.

Real Madrid waxaa imaan doona weeraryahan balse midkood intaan ayey kala dhex bixi doonaan: Kylian Mbappe, Neymar, Mauro Icardi, Pierre-Emerick Aubameyang iyo Luka Jovic.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*