Yaa Hogaaminaya Tartanka Loogu Jiro Abaalmarinta Kabta Dahabka (Golden Boot) Gooldhalinta Horyaalada Yurub Kadib Kulamadii Isbuucaan?

Lionel Messi ayaa hogaanka u haya tartanka loogu jiro abaalmarinta kabta dahabka gooldhalinta horyaalada yurub, saddexleydii uu ka dhaliyay Real Betis ayaana ka saaciday inuu dhaafo da’yarka reer France Kylian Mbappe.

Kabtanka Argentina waa xiddiga ku guuleystay sanadkii ugu dambeeyay abaalmarinta kadib markii uu dhaliyay 34-gool kulamada La Liga, waxeyna u aheyd markii shanaad, balse markaan wuxuu aad u doonayaa inuu difaacdo.

Messi waa xiddiga dhaliyay goolasha ugu badan shanta horyaal ee ugu waaweyn qaaradda yurub maadaama uu 29-gool shabaqa soo taabsiiyay, 58-dhibcood ayuuna ku helay taasoo ka dhigeysa inuu ku raaxeysanayo fooqa sare tartanka kabta dahabka.

Kylian Mbappe ayaa ah kan labaad ee liiskaan, xiddigaan wuxuu sameeyay hormar aan caadi aheyn maadaama uu Edinson Cavani kala wareegay talada gooldhalinta ee kooxdiisa Paris Saint Germain, 26-gool ayuu shabaqa soo taabsiiyay horyaalkaan taasoo ka dhigan inuu heysto 52-dhibcood.

Mbappe wuxuu 4-gool ku dhaliyay 13-daqiiqo kulan ay October la ciyaareen Lyon, sidoo kalana saddexley ayuu dhaliyay kulan ay nus darsan goolal ka badan ku xasuuqeen Guingamp bishii January.

Fabio Quagliarella ayaa ah hogaamiyaha ugu sarreeya gooldhalinta horyaalka talyaaniga, xiddigii hore Juventus wuxuu dhaliyay 21-gool isagoo laba ka sarreeya Piatek iyo Ronaldo, sidaas darteed waa xiddiga saddexaad ee liiskaan isagoo heysta 42-dhibcood.

Waxaan soo qaadan doonaa liiska 10-ka xiddig ee ugu sarreeya abaalmarinta iyadoo ay kasoo muuqan doonaan Suarez, Lewandowski iyo ciyaartoy kale.

SIDA LOO KALA SARREEYO LIISKA:

1. Lionel Messi (Barcelona) 29-gool, 58-dhibcood.

2. Kylian Mbappe (Paris Saint Germain) 26-gool, 52-dhibcood.

3. Fabi Quagliarella (Sampdoria) 21-gool, 42-dhibcood.

4. Krzysztof Piatek (Ac Milan) 19-gool, 38-dhibcood.

5. Cristiano Ronaldo (Juventus) 19-gool, 38-dhibcood.

6. Sergio Aguero (Man City) 18-gool, 36-dhibcood.

7. Robert Lewandowski (Bayern Munich) 18-gool, 36-dhibcood.

8. Luis Suarez (Barcelona) 18-gool, 36-dhibcood.

9. Sadio Mane (Liverpool) 17-gool, 34-dhibcood.

10. Edinson Cavani (Paris Saint Germain) 17-gool, 34-dhibcood.

Waxaa sidoo kale 17-gool iyo 34-dhibcood leh ciyaartoyda kala ah: Mohamed Salah (Liverpool), Harry Kane (Tottenham), Pierre-Emerick Aubameyang (Arsenal) Nicolas Pepe (Lille) iyo Duvan Zapata (Atalanta).

F.G: Dhibcaha goolasha hadba waxey ku xiran yahiin horyaalka la joogo – shanta horyaal ee ugu sarreysa yurub (England, Italy, Spain, Germany & France) waxaa goolkiiba lagu helaa laba dhibcood, waana shanta horyaal ee nidaamka UEFA coefficient ugu sarreeya, kaalinta 6-aad ee nidaamkaas ilaa 21, waxaa lasiiyaa 1.5 waxaana ugu horreeya horyaalka Russia.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*