Wakhtiga Sarri La Ceyrinayo, Griezmann Oo Qoomameynaya & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Isniin Ah.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa dib u furmay, kooxaha qaaradda yurub ayaana bilaabaya iney isku xoojiyaan si ay fasal ciyaareedka inta ka dhiman ku gaaraan hamigooda.

Waxaa jira warar xan ah oo ay baahinayaan warbaahinta caalamka kuwaaas oo la xiriira arrimaha suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, waxaan dooneynaa inaan idiin soo koobno inta ugu muhiimsan ee la hadal hayo.

Masuul kama nihin jiritaanka warkaan, sababtoo ah waxaan u xaglin doonaa meelaha aan kasoo xiganay.


Weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann ayaa ka qoomameynaya inuu doortay Atletico Madrid iskana diiday Barcelona xagaagii hore, mar kale ayuuna isku dayi doonaa inuu u guuro Camp Nou. (L’Equipe)

Balse 27-jirkaan reer France hadda wuxuu doonayaa inuu codsado kooxo badan oo yurub ah kuna jirto Barcelona, balse kooxda reer Catalonia wax xiiso ah uma qabto wakhigaan. (ESPN).

Milkiilaha Chelsea [Roman Abramovich] ayaa laga yaabaa inuu fasaxa qaramada inta lagu jiro shaqada ka ceyriyo Maurizio Sarri kadib guuldaradii kasoo gaartay Everton. (Express)

James Rodriguez oo 27-jir ah ayaan dooneynin inuu kusii sugnaado fasalka soo aadan Bayern Munich, waxaana haatan dhamaad maraya wakhtigii amaahda ahaa uu kaga soo tagay Real Madrid. (Marca)

Ac Milan ayaa ka fiirsaneysa iney Serie A-da keento weeraryahanka Everton Richarlison kaas oo lagu qiimeeyo 70 Malyan oo Yuuro. (Calciomercato)

Joao Felix oo ka tirsan Benfica ayaa sheegay inuu kooxdiisa ku faraxsan yahay, hadana waxaa xiiso u qaba Man United iyo Chelsea, sidoo kalana Liverpool ayaa horay looga diiday 61 Malyan oo Pound dalab ah oo ay ka gudbiyeen 19-jirkaan. (Marca)

Liverpool ayaa diyaar u ah iney Benfica kala xaajooto heshiis rikoor noqon kara oo ay kula wareegi karaan daafaca dambe reer Portugal – Francisco Reis Ferreira – kaas oo 21-jir ah. (Record)

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa mustaqbalkiisa u hibeeyay kooxda ka dhisan Anfield Road kadib markii Franz Beckenbauer uu ka dhawaajiyay inuu la wareegi doono xilka Bayern Munich. (Liverpool Echo)

Juventus ayaa diyaar u ah iney badbaadiso Alexis Sanchez oo 30-jir ah kana baxsanaya garoonka Old Trafford, balse waxey u sheegtay inuu dhimo mushaarka waalida ah. (Calciomercato)

Arsenal ayaa quuldareyneysa iney Marc Overmars dib ugu soo celiyaan London iyagoo ka dhigi kara madaxa farsamada kooxooda maadaama ay ku hungoobeen helitaanka Monchi oo dib ugu laabtay Sevilla. (Telegraph)

Inter Milan ayaa u sheegtay dhigeeda Real Madrid iney la timaado 80 Malyan oo Yuuro hadii ay dooneyso 26-jirka reer Argentina Mauro Icardi, xiddigaan ma ciyaarin tan iyo markii bishii hore laga qaaday kabtanimada kooxda. (AS).

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*