Wakhtiga Laga Yaabo Roman Abramovich Inuu Shaqada Ka Ceyriyo Maurizio Sarri Oo La Qiyaasay.

Kooxda Chelsea ayaa laga yaabaa iney shaqada ka ceyriso tababare Maurizio Sarri kadib markii uu si uu u horseeday xilli ciyaareed aan qurux badneyn, waxeyna hadal heyntaan imaaneysaa kadib guuldaradii Everton ee garoonka Goodison Park.

Macalinkaan ayaa dareensan inuu saaran yahay cadaadis dhanka shaqada ah, waxeyna wiilashiisa ku dhibtoonayaan iney u dagaalamaan afarta sare ee horyaalka oo ay u jiraan haatan afar dhibcood.

Blues waxey heysataa fursad kale oo ay sanadka dambe kaga soo qeybgali karaan koobka UEFA Champions League maadaama ay wali xaadir ku yahiin koobka Europa League, balse wixii uu falay macalinkii hore Napoli uma cuntamin maamulka kooxda galbeedka London.

Sida la ogyahay Maurizio Sarri wuxuu ku yimid garoonka Stamford Bridge qaab xiiso leh, adduun dhan 4.4 Malyan oo Pound ayeyna madaxiisa ku bixiyeen maadaama uu heshiis kula jiray kooxda Napoli.

Sida lasoo warinayo Roman Abramovic ayaan ku faraxsaneyn sida uu wax u maamulayo Maurizio Sarri, waxaana laga yaabaa inuu wakhtiga fasaxa caalamiga ah ee isbuucaan kaga fa’ideysto isla markaana shaqada ka ceyriyo.

Inta ka harsan isbuucaan iyo isbuuca soo aadan lama ciyaari doono tartamada heerka kooxeed ee qaaradda yurub, sidaas darteed waxaa suuragal ah kulanka xiga ee Blues inuu waji cusub yimaado hadii aysan wax isbadalin.

Blues waxey fadhisaa booska 6-aad ee horyaalka maadaama ay guuldaro 2-0 ah kala kulantay Everton, waxeyna lumiyeen fursad ay kaalinta 5-aad ku gali kareen kuna barbareyn kareen kooxda kaalinta 4-aad ee Arsenal dhanka dhibcaha.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*