David Moyes Oo Kashifay In Mid Ka Mid Ah Xiddigah Real Madrid Ee Hadda Uu Kula Heshiiyay Inuu Old Trafford Yimaado Sanadki 2014 – Waa Kuma? Maxaase Badalay Go’aanka Xiddiga?

Tababarahii hore Manchester United David Moyes ayaa kashifay in mid ka mid ah xiddigaha Real Madrid ee hadda uu la heshiiyay sanadkii 2014 ka hor inta aan shaqada laga ceyrin bilo kadib, isagoo la hadlayay mid ka mid ah TV-yada ciyaaraha kuwooda ugu waaweyn ayuuna sidoo kale banaanka keenay sababta keentay go’aanka xiddiga.

David Moyes wuxuu shaqada Red Devils ka badalay Sir Alex Ferguson sanadkii 2013, balse kaliya 9-bilood ayuu ka qaatay heshiis lix sanadood ah oo laga saxiixay markii uu kasoo guuray kooxda Everton, kooxda difaacaneysay horyaalka wakhtigaas ayaana kaalinta 7-aad ku dhameysatay xilli ciyaareedkaas.

Wakhtigaas Toni Kroos waxey colaad baahsan kala dhaxeysay maamulka Bayern Munich, wuxuuna doonayay inuu isaga guuro maadaama kooxda ay diideen iney siiyaan mushaar la mid ah midka uu markaas kooxda ka qaadanayay Mario Goetze.

“Inta lagu jiray fasalkaas waxaan la kulmay Toni Kroos” ayuu yiri Moyes oo la hadlayay beIN Sports.

“Wuxuu igula heshiiyay inuu imaanayo Man United ka hor inta uusan aadin Real Madrid”

“Balse shaqadeyda ayaan lumiyay, sidaas darteed wuxuu doortay inuu aado meel kale”

Sidoo kale David Moyes wuxuu qirtay iney kooxdiisa isku dayday saxiixa Gareth Bale ka hor inta uusan Real Madrid u wareegin, balse dadaalkoodii uu suuragalin waayay iney xiddiga reer Wales ku qanciyaan sii joogista Premier League.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*