“Waan Ku Xisaabtami Doonaa Isco” – Tababare Zinadine Zidane Oo Naqaska Ka Fujiyay Xiddiga Keydku Dishooday Ee Isco Alarcon.

Tababaraha kusoo laabtay kooxdiisii hore ee Zinadine Zidane oo Isniintii dib loogu dhiibay kooxda Real Madrid ayaa ka hadlay xaalada guud ahaaneed ee kooxdiisa iyo mida gaar ahaaneed ee xidiga keydka la deriska noqday ee Isco.

Ugu horreynba Zizou ayaa sheegay in xaalada guud ee kooxdu ay tahay mid fiican isaga oo sidoo kale banaanka keenay farxada ciyaartoya iyo hammigooda kulamada uga hadhay horyaalka La Liga.

Zidane oo arrimahaas ka hadlaya “Waxa ay u muuqdaan kuwo wanaagsan gaar ahaan dareenka xamaasadeed, Waanu ognahay waxa naga maqan, Waxaanu haysanaa 11 kulan oo hadhay waxaanan doonaynaa inaan xilli ciyaareedka ku dhammaysano si wanaagsan”

“Ciyaartoydu way faraxsan yihiin, Sadexda tababar waxa ay ahaayeen kuwo aad u wanaagsan, Adag iyadoo dareen xamaasadeed oo badan la muujiyay”

Dhinaca kale Zidane oo ka hadlaya xiddigaha kooxdiisa iyo sida uu ula dhaqmayo Isco ayaa sheegay inuu ku xisaabtami doono 26 jirkaan iyo dhammaan xiddigaha kale ee kooxda.

“Waxaan filayaa in ciyaartoyda xataa kuwa in yar ciyaaray inay tababaranayaan, Kulanku lama mid aha xalqada tababarka laakiin waxa fiicani waa  inay yihiin ciyaartoy fiican oo ay dhammaantood diyaar yihiin”

“Waxaan si buuxda ugu xisaabtamaya Isco iyo inta kale ee ciyaartoyda, Waan arki doonaa waxa ay shaxda rasmiga ahi tahay hada kaddib laakiin aragtidayda midaasi aad muhiim uma aha”

Si kastaba ha ahaatee, Isco oo xalad xun kusoo qaatay kooxda xilli ciyaareedkan gaar ahaan wakhtigii Santi Solari ayaa filanaya inuu ka maydho dhibaatooyinkii.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*