Waa Maxay Sababta Kulanka Lugta Hore Barcelona & Man United Loo Badalay Garoonka Lagu Ciyaarayo? Sharciga Miyaa Jira?

Barcelona ayaa noqotay kooxda marka ugu horreyso lasoo saaray intii la sameynayay isku aadka wareega quarter final-ka Champions League, taasoo sharci ahaan ka turjumeysa in gurigeeda lagu hormarayo, balse taasi waxaa diiday sharciga maadaama kulanka Tottenham Hotspur iyo Man City uu kusoo baxay in lagu ciyaaro garoonka Wembley.

Sida la xaqiijiyay Red Devils waa loo badalay kulanka, waxaana kulanka lugta hore ee labada koox lagu ciyaari doonaa garoonka Old Trafford, iyadoo lugta labaad la aadi doono Camp Nou oo ah garoon aysan jecleyn iney kooxaha booqdaan kulanka dambe.

Hoos ka akhriso xeerka loo cuskaday in kulanka la badalo:

 

“Kooxaha labada Manchester uma suuragaleyso iney hal habeen ama laba habeen oo xiriir ah ku ciyaaraan minankooda marka la raaco go’aanka haboon ee ka yimid guddiga deegaank”

“Sidaas darteed hadii labada kooxood ay noqoto iney minan wada noqdaan hal isbuuc, kooxda ka hoos martay midda kale kala sarreynta horyaalka fasalkii lasoo dhaafay ayaa loo badali doonaa sida uu qabo sharciga guddiga tartamada kooxaha ee UEFA”

Sidaas darteed fasalkii hore Man City waxey hanatay horyaalka, waxaana kaalinta labaad galay Red Devils, waxeyna taasi ku tusineysaa iney tahay kooxda kulanka loo badalayo.

Sida isku aadka kusoo baxay labada kooxoodba marti ayey noqonayaan kulanka lugta koowaad, hadii sidaas lagu dhaafo lugta labaad ayey minan wada noqonayaan, waana sababta lugta hore Old Trafford loogu ciyaarsiinayo Red Devils.

Haddaba sidaas u ogow kulanka hore Old Trafford ayuu ka dhici doonaa kulanka labaadna Camp Nou.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*