Tababare Luis Enrique Oo Magacaabay Liiska Qaranka Spain Ee Ciyaari Doona Kulamada Soo Socda – Yaa Kusoo Baxay?

Tababare Luis Enrique ayaa ku dhawaaqay liiska ciyaartoydiisa ee ciyaari doona kulamada isreeb-reebka koobka qaramada yurub ee 2020, waxeyna la ciyaari doonaan Malta iyo Norway.

Macalinkii hore Barcelona wuxuu kooxdiisa ka reebay Isco Alcaron oo aan kooxdiisa boos ka heysan, balse wuxuu kusoo daray sideed waji oo cusub, waana xiddigo fasalkaan sameeyay bandhig aan caadi aheyn.

Bernat, Sergi Gomez , Fabian, Parejo, Jesus Navas, Muniain, Canales iyo Jaime Mata, waana xiddigo mudan in qaranka looga yeero sida uu ka dhawaajiyay Luis Enrique.

Layaab ayuu kugu noqon doonaa go’aanka Isco looga reebay qaranka marka aad liiska ku aragto Dani Ceballos iyo Marco Asensio oo qudhooda aan si fiican loo adeegsan fasalkaan.

LIISKA OO DHAMEYSTIRAN:

Goolhaye:

Kepa, De Gea, Pau Lopez

Daafacyada:

Gaya, Jordi Alba, Bernat, Mario Hermoso, Inigo Martinez, Sergio Ramos, Sergi Gomez, Sergi Roberto, Jesus Navas

Khadka Dhexe:

Busquets, Rodri, Ceballos, Fabian Ruiz, Parejo, Canales

Weerarka:

Marco Asensio, Rodrigo, Morata, Muniain, Mata

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*