RASMI: Arsenal vs Napoli – Isku Aadka Wareegyada Quarter Final-ka & Semi Final-ka Europa League Oo La Sameeyay.

Isku Aadka quarter final-ka oo lagu lamaaniyay semi final-ka tartanka Europa League ayaa la sameeyay, waxaana kasoo baxay kulamo culus iyadoo labada kooxood ee London kala badbaadeen ilaa final-ka.

Arsenal ayaa heshay isku aad culus maadaama ay la ciyaari doonto Napoli, kulanka horana waxaa lagu hormari doonaa wadanka London maadaama Chelsea ay lugta hore marti tahay waxaana loo cuksaday xeerka loo cuskaday badalkii kulankii Barcelona vs Man United.

Sidaas darteed maadaama Blues ay kulanka labaad ku ciyaari doonto Stamford Bridge, Arsenal ayaa loo badalay kulankasoo hormariyay kulankooda waxeyna gurigooda ku ciyaari doonaan lugta hore.

ISKU AADKA QUARTER FINAL-KA:

Arsenal vs Napoli.

Villarreal vs Valencia

Benfica vs Eintracht Frankfurt

Slavia Prague vs Chelsea

ISKU AADKA SEMI FINAL-KA:

Napoli/Arsenal vs Villarreal/Valencia

Benfica/Frankfurt vs Slavia Prague/Chelsea.

 

Lugta hore kulamada quarter final-ka waxaa la ciyaari doonaa 11-ka April, halka lugta labaad la ciyaari doono 18-ka April.

Semi final-kana 2-da May lugta hore, halka lugta labaad la ciyaari doono 9-ka May.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*