Luis Suarez Oo Ku Qasbay Xaaskiisa Inay Xaga Danbe Ee Gaariga Fariisato Si Lionel Messi Uu Afka Hore U Soo Raaco

Luis Suarez ayaa muxibo weyn u haya Lionel Messi taasoo keentay inuu xaaskiisa fariisiyo xaga danbe ee gaariga.

Labada xiddig ee reer South America ayaa xiriir aad u fiican u ka dhaxeeyaa iyadoo Messi loo ogolaaday inuu xaga hore ee gaariga Suarez soo fariisto halka xaaska xiddiga reer Uruguay Sofia Balbi ay xaga danbe fariisatay.

Taas ayaana dhacday xalay markii ay ka qeyb galayeen xaflad uu martigelinayay Jordi Alba. Ciyaartoyda iyo shaqaalaha Barcelona iyo qoysaskooda ayaana lagu casuumay.

Sawir ayaa laga qaaday markii Suarez iyo Messi ay u safrayeen xaflada oo ka dhaceysay huteelka Sofia.

Waxaana sawirka uu qabsaday baraha bulshada gaar ahaan Twitter oo taageerayaasha ay tilmaamayeen sida Suarez uu uga hormarinayo Messi xaaskiisa Sofia.

Dad badan ayaana maad ka dhigtay qaabka ay Suarez iyo Messi ku tageen xaflada iyagoo tilmaamayay in xaaska Suarez aysan ku faraxsaneyn safarka.

Bingi Man ayaa soo qoray: “Ciyaartoyda Barcelona iyo shaqaalaha ayaa lagu casuumay xaflad uu martigelinayay Jordi Alba kaasoo u dabaaldegayay qandaraaskiisa cusub iyo guushii ay ka gaareen Lyon. Suarez ayaa ku qasbay xaaskiisa inay xaga danbe fariisato madaama uu Messi la socdo.”

@Messizone ayaa isna yiri: “Sawirkaan waa uu iga qoslinayaa, Suarez ayaa xaaskiisa ku qasbay inay xaga danbe fariisato madaama uu Messi la socdo.”

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*