Kulamada Manchester City Ee Bisha April Oo Aad U Adag

Manchester City ayaa la ciyaari doona Tottenham seddex jeer 11 maalmood gudaheed.

Kooxda hogaamineysa horyaalka Premier League ayaa waxa ay isku soo aadeen wareega sideed dhamaadka Champions League kooxda Tottenham iyagoo wada ciyaari doona bisha April.

Spurs waxa ay martigelin doontaa City lugta hore oo dhaceysa 9ka bisha April iyadoo lugta labaad la ciyaari doona isbuuca ku xiga ee 17ka April.

Seddex maalmood ka dib lugta labaad, waa ay kulmayaan mar kale, waxaana ay markaan ku kulmayaan horyaalka City ayaa la ciyaareysay Spurs 20ka bisha April kulan muhim u ah tartanka horyaalka Premier League.

Seddex jeer ayay is arkayaan 11 maalmood.

Ka dib waxaa ku xiga kulanka weyn ee Manchester derby.

City ayaa u safreysa Old Trafford 24ka bisha April si ay u wajahaan kooxda ay deriska yihiin ee United kulankaas ah kulanka ugu weyn ee xilli ciyaareedka.

Dhanka kale, United ayaa wajaheysa Barcelona wareega sideeda Champions League.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*