Jose Mourinho Oo Banaanka Soo Dhigay Kooxaha Uu Doonayo Iney Isku Aadaan Wareega Quarter Finalka Champions League – Siduu Jeclaan Lahaa?

Tababare Jose Mourinho ayaa banaanka soo dhigay kooxaha uu doonayo iney isku aadaan quarter final-ka koobka Champions League kaas oo waqti yar kadib lagu sameyn doono xarunta xiriirka kubadda cagta qaaradda yurub ee Nyon.

Macalinkii hore kooxo badan oo qaaradda yurub ah ayaa hadda si gaar ah ah ula shaqeeya Tv-ga caanka ah ee RT, wuxuuna doonayaa iney kooxaha ka socda Premier League ay isku aadaan isla markaana kaliya laba ka mid ah ay u gudubto semi final-ka tartanka.

Red Devils waxey si lama filaan ah kaga soo baxeen Paris Saint Germain, halka Liverpool ay awood muuqata u sheegatay Bayern Munich, Spurs qudheeda waxey reebtay Borrusia Dortmund halka Citizens ay xasuuq ku sagootisay Schalke 04.

Mourinho kaliya wuxuu doonayaa in laba koox oo Premier League ah ay usoo baxaan Semi Final-ka, sidaan ayuuna isku aadka Quarter final-ka gaar ahaan kooxaha Premier League ka doonayaa.

“Waxaan jeclaan lahaa in kooxaha Ingiriiska ay mar kale ciyaaraan, iyadoo aysan jirin wax doorasho ah” ayuu yiri Mourinho oo la hadlayay RT.

“Balse waxaan sameyn lahaa laba kulan oo u dhaxeeya kooxaha Premier League, taasoo la macno ah in laba ka mid ah ay semi final-ka u gudbi doonaan”

“Waxey ila tahay hadii isku aadka uu noqon lahaa United vs Man City ama Tottenham vs Liverpool, tusaale ahaan, waxey ila tahay in gabi ahaanba ay noqon lahaayeen kulamo cajiib ah”

Mourinho wuxuu qiray in Porto iyo Ajax uu kulan fiican ahaan lahaa, balse uusan dooneyn in Messi iyo Ronaldo uu midkood har, sidaas darteed ma jecleysanin iney labada kooxood ee Juventus iyo Barcelona isku aadaan.

Jose wuxuu jeclaan lahaa iney final isugu yimaadaan, walow uu qiray in Juventus ay baahi weyn u qabto koobka in ka badan kooxaha kale.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*