Jamaahiirta Oo Ku Riyoonaya Final Champions League Oo Ay Isaga Horyimaadaan Cristiano Ronaldo vs Lionel Messi

Weli wado dheer ayaa inaga xigta finalka Champions League laakiin taageerayaasha kubada cagta ayaa ku riyoonaya inay finalka isku arkaan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

UEFA ayaa ku dhawaaqday saaka isku aadka wareega sideed dhamaadka iyo semi-finalka Champions League.

Ajax vs Juventus, Liverpool vs Porto, Tottenham Hotspur vs Manchester City iyo Barcelona vs Manchester United ayaa ah kulamada xiisaha leh ee wareega xiga laakiin sida isku aadka semi-finalka loo sameeyay waxaa macquul ah in masraxa ugu weyn kubada cagta ee kooxaha inay isku arkaan labada xiddig ee ugu waa weyn caalamka.

Haddii Juventus ay ka soo gudubto Ajax kulanka ku celiska u ah finalkii 1996kii, waxa ay wajihi doonaan midkii soo badisa Spurs iyo City wareega afar dhamaadka halka Barcelona ay la ciyaari doonto midkood Liverpool ama FC Porto haddii ay ka soo gudbaan United.

Haddii kooxaha Messi iyo Ronaldo ay guulo gaaraan, garoonka Atletico Madrid Wanda Metropolitano waxa uu martigelin doonaa final la wada sugayo oo ay ka soo muuqanayaan labada xiddig ee ugu fiican caalamka.

Kieron Alexander ayaa soo qoray: “Masraxa waxaa loo diyaariyay semi-final adag iyo kulanka weyn ee finalka UCL ee Ronaldo vs Messi”

Stephan Ganavas ayaa isna yiri: “Waxaa naloo diyaariyay final Champions League oo u dhaxeeya Ronaldo iyo Messi”

Jack Denham ayaa isna yiri: “Final ay ciyaaraan Barca v Juve ayaa fiicnaan laheyd… waxay noqon kartaa markii ugu danbeysay ee aan aragno Messi v Ronaldo.”

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*