Waa Maxay Sababta Uu Virgil Van Dijk Ugu Qeyliyay Saaxiibkiisa Andy Robertson Markii Ay Dhamaatay Ciyaartii Bayern Munich?

Daafaca mayalka adag ee kooxda Liverpool Virgil van Dijk ayaa la arkay isagoo ku qeylinaya isla markaana canaan kulul usoo jeedinaya saaxiibkiisa kooxda Andy Robertson markii ay dhamaatay ciyaartii ay Bayern Munich kula ciyaareen garoonka Allianz Arena.

Xiddiga reer Holland ayaa dhaliyay goolka labaad ee kooxdiisa kulankii ay 1-3 ku dileen Bayern Munich, natiijadaas ayaana ka saaciday kooxda Reds iney si awood leh ugu gudbaan wareega quarter final-ka koobka Champions League.

Liverpool waa mid ka mid ah kooxaha ugu awoodda badan tartanka Champions League inta isku soo hartay, balse waxey weyn doonaan xiddigooda reer Scotland [Andy Robertson] lugta koowaad quarter final-ka tartanka horyaalada yurub.

Daafaca reer Holland wuxuu aad uga carooday sida uusan Andy Robertson ugu dabaal dagin guushii ay kooxda gaartay, isagoo kaliya ka walwalsanaa jaalaha uu qaatay ee seejinaya lugta hore wareega quarter final-ka.

“Haa, wey ka dhacday kulanka, balse sida cad waxey aheyd nasiib darro” ayuu yiri Virgil van Dijk oo la hadlayay BT Sport.

“Waxaan u baahanahay inaan daboolno, waxaan heysanaa ciyaartoy tayo leh oo aan sidaas ku sameyn karno”

Xiddigii hore Saint ayaa ku qeylinayay markii ay ciyaarta dhamaatay: “Maxaad sameyneysaa”

Virgil Van Dijk wuxuu doonayay inuu Robertson la dabaal dago kooxda maadaama ay wareega xiga usoo baxeen, balse xiddiga reer Scotland wuxuu ka murugsana jaalaha uu qaatay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*