RASMI: Real Madrid Oo La Saxiixatay Daafac Ay Ku Raad Joogeen Kooxo Badan Oo Qaaradda Yurub Ah & Faah-Faahinta Heshiiska.

Real Madrid ayaa la saxiixatay daafaca Porto – Eder Militao – kaas oo ay kooxo badan oo qaaradda yurub ka dhisay wada doonayeen, waxeyna tani ka dhigan tahay bilowga dib u dhiska Real Madrid ee kadib imaatinka Zinedine Zidane.

Isbuucaan gudahiisa ayuu Zidane dib ugu soo laabtay kooxda Los Blancos kadib 10-bilood uu ka maqnaa, wuxuuna badalay tababarahii shaqada laga ceyriyay ee Santiago Solari, balse kooxda waxey durba fulineysaa heshiisyadii ay la gashay macalinka reer France iyagoo ka bilaabay saxiixa Eder Militao.

Maanta ayey kooxda boqortooyada ku dhawaaqday iney 21-jirkaan heerka caalami kula saxiixan doonaan adduun dhan 43 Milayn oo Pound oo u dhiganta 50 Milayn oo Yuuro marka la gaaro xagaaga soo aadan.

Eder Militao wuxuu saxiixi doonaa heshiis lix sanadood ah, waxeyna Real Madrid xaqiijisay in xiddigaan uu kooxda ku sugnaan doono hadii la dhameystiro ilaa 2025.

21-jirkaan tayada wanaagsan wuxuu waayahiisa ka bilaabay kooxda Sao Paulo, waa wiil u dhashay Brazil, balse xagaagii laga soo gudbay usoo guuray kooxda Porto.

Saddex gool ayuu dhaliyay, laba caawinaad ahna wuu sameeyay kadib 34-kulan uu kooxdiisa u saftay xagaagan, waxaana qabtay indhaha maamulka kooxda Madrid.

Sida ay warbaahinta Spain sheegayaan Zidane waxaa u diyaarsan liis dheer oo laga yaabo iney ku xusan yahiin magacyo ay kamid yahiin: Eden Hazard, Kylian Mbappe, Christian Eriksen iyo Neymar Junior.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*