Man United Oo Hogaamineysa Loolanka Loogu Jiro Saxiixa Toby Alderweireld & Laba Kooxood Oo Kula Dagaalamaya.

Kooxda Tottenham Hotspur ayaa lagu soo warramayaa iney lumisay rajadii ay ka qabtay iney ku ceshato gurigeeda daafaca tayada wanaagsan Toby Alderweireld, waxaana la fahamsan yahay iney haatan loolankiisa hogaamineyso kooxda Manchester United.

Daafacaan tayada wanaagsan wuxuu heshiiskiisa dhamaanayaa dhamaadka xagaaga soo aadan maadaama ay heshiiskii dheeraadka ahaa ee markii hore lagu heshiiyay la dhaqan galiyay bishii Diseembar.

Heshiis kordhintaas waxey sababtay in Spurs ay aqbali doonto dalab waba oo han 26 Malyan oo Pound ama ka badan labada isbuuc ee ugu dambeysa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga soo aadan.

Wargeyska Mirror ayaa shaaciyay in Manchester United ay hadda hogaamineyso loolanka loogu jiro 30-jirkaan reer Belgium, waxaana xusid mudan in Barcelona & Juventus ay xiddigaan xiiso ba’an u qabaan.

Tan iyo markii uu 2015 kusoo biiray, Alderweireld wuxuu saftay in ka badan 100 kulan oo Premier League ah isagoo dhaliyay kaliya shan gool.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*