WAR LA SUGAYAY: Cristiano Ronaldo Oo Ugu Dambayn Magacaabay Horyaalka Ay Ugu Adagtahay In Goolal La Dhaliyo – Premier League, La Liga Mise Serie A-da Talyaaniga?

Weeraryahanka kooxda Juventus ahna kabtanka xulka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa weysada u biyaystay inuu go’aamiyo horyaalka ugu adag ee uu kasoo ciyaaray ee gool laga dhaliyo ee saddexda horyaal ee uu soo maray ee Premier Leage, La Liga iyo Serie A.

Cristiano ayaa ahaa mid cajiib ah tan iyo kusoo biiristiisa kooxda Juventus balse waxa hubaal ah in heerkiisa gool dhalineed uusan lamid ahayn midkii wakhtigiisii La Liga iyo kooxda Real Madrid.

Ronaldo ayaa sagaal sano oo uu joogay Los Blancos soo dhaliyay 450 gool mudo 438 kulan ah oo uu ciyaaray waana rekoodh qeyruc caadi ah oo ay macquul tahay inaan abid dib loogu celin.

Haddaba, Ronaldo oo bishii hore 34 sano jirsaday ayaa guud ahaan 21 gool usoo dhaliyay Bianconeri mudo 35 kulan ah oo uu wajahay iyadoo waliba ay tahay in loogu garaabo inuu wali yahay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay oo xilli ciyaareedyada kale ka adkaanaya.

Ronaldo oo aragtidiisa horyaalka ugu adag ee goolal laga dhalin karo dhiibanaya ayaa meel iska dhigay horyaalka Spain oo uu ku sifeeyay mid furan si lamid ah waxa uu daaqada ka saaray horyaalka xamaasada weyn ee Premier League isaga oo Serie A ku sifeeyay midka ay ugu adagtahay in shabaqa la gaadho.

CR7 oo arrimahan ka hadlaya ayaa yidhi “Aragtidayda, Marka la joogo horyaalka Talyaaniga aad ayay uga adagtahay in la dhaliyo gool marka lala barbardhigo horyaalka Spanish-ka”

“Horyaalka Spanish-ku waa mid inbadan furan oo ay kooxuhu halis is geliyaan, Ujeedada koowaad ee halkani (Horyaalka Talyaaniga) waa in sifiican loo difaacdo kaddib la weeraro, Spain gudaheeda sidaa maaha markasta waa ciyaar furan”

“Waxaan sidoo kale kasoo ciyaaray England shan sano waxaanan filayaa in horyaalka ay aad u adagtahay in la dhaliyo uu yahay midka Talyaaniga”

Ronaldo ayaa mudo lix xilli ciyaareed ah oo uu kusoo qaatay Manchester United usoo dhaliyay 118 gool oo uu 84 kamid ah ka dhaliyay horyaalka oo uu waliba xilli ciyaareed kabtiisa dahabka ah ku guuleystay.

3 Fekradood

  1. Asc bahweynta laacib,
    Horta wax lalayaabo ma ahan in cayaartoyda maanta jirta ee amaanan halka ee markaaz ku suganyihiin lkn runta sideeda isma qariso. Ronaldo waxa uu noqday nin dhalinti ka daba timid oo 34 jirsaday waana sababta goolashiisa u yaraaden iyado ay walipa jirto in uu horyaalka ku cusub yahay ee ma ahan in Horyaalka Talyaniga uu adagyahy. Tusaale hadii aan idin siiyo
    Maxaa loo waayay koox Talyani ah oo Champions league qaada mudo 9 sano ah hadii ee kooxaha Talyaniga adagyihiin 🙄
    Teeda kale aniga waxa aaminsanahy in EPL uu yahy midka ugu adag ee goolal laga dhaliyo.

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*