Philippe Coutinho Oo Kusoo Labanaya EPL, Mourinho Oo Qabanaya Madrid & Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa dib u furmay, kooxaha qaaradda yurub ayaana bilaabaya iney isku xoojiyaan si ay fasal ciyaareedka inta ka dhiman ku gaaraan hamigooda.

Waxaa jira warar xan ah oo ay baahinayaan warbaahinta caalamka kuwaaas oo la xiriira arrimaha suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, waxaan dooneynaa inaan idiin soo koobno inta ugu muhiimsan ee la hadal hayo.

Masuul kama nihin jiritaanka warkaan, sababtoo ah waxaan u xaglin doonaa meelaha aan kasoo xiganay.


Philippe Coutinho oo bishii January 2018 kusoo biiray Barcelona ayaa la hadlay qaar ka mid ah xiddigaha Man United isagoo doonaya 26-jirkaan inuu ku laabto Premier League, waxaana lagu qiimeeyaa 100 Malyan. (Mirror)

Livepool ayaa ka dalban doonta Virgil van Dijk o 27-jir ah inuu saxiixo heshiis cusub oo todobaadkii uu ku qaadanayo 200,000 kun Pound, xilli uu xiddigaan xiiso ka helayo Real Madrid & Barcelona. (Express)

Man United ayaa siin doonta kooxda Molde lacag 6 Milyan oo Pound ah marka ay tababare joogto ah u magacaabeyso Ole Gunnar Solskjaer, waxaana la filayaa inuu si joogto ah ugu soo wareego Old Trafford. (Sun)

Real Madrid ayaa la filayaa iney tababare u magacowdo Jose Mourinho kaas oo badali doona Santiago Solari sida ugu dhaqsiyaha badan, Roman Calderon ayaa shaaca ka qaaday in isniinta lagu dhawaaqi doono. (i Newspaper)

Man United ayaa dooneysa iney Juventus kula dagaalanto xiddiga 19-jirka ee Portugal Joao Felix kaas oo sidoo kale ay doonayaan kooxo badan oo qaaradda yurub ah. (Manchester Evening News)

Daafaca 19-jirka ah ee Holland Matthijs de Ligt ayaa u furan inuu usoo guuro Anfield, waxaana lala sheegayaa inuu xiriir fiican la leeyahay Virgil van Dijk. (Goal)

Arsenal ayaa tartan adag la gali doonta Atletico Madrid iyo Real Madrid, waxeyna isku heystaan xiddiga reer Argentina Nicolas Tagliafico oo 26-jir ah. (Sun)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*