Alexis Sanchez Oo Go’aan Ku Gaadhay In Haddii Wax Walba Ay Sameeyaan Maamulka Man United In Aanu Old Trafford Ka Bixin.

Xidiga xulka qaranka Chile iyo kooxda Manchester United ee Alexis Sanchez ayaa iska diidi doona wax walba oo ay maamulka sare ee United ku doonayaan in ay Sanchez ku iibiyaan dhamaadka xili ciyaareedkan. Alexis Sanchez ayaa dhaawac ku maqnaan doona muddo lix todobaad ah kadib dhaawicii ku soo gaadhay kulankii Southampton.

Tababare  Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku fashilmay in uu xaliyo dhibaatada Alexis Sanchez inkasta oo uu sare u soo qaaday xidig kasta oo Man United ka ciyaara oo aan Sanchez ka ahayn, wuxuuna hadda Sanchez culays wayn ku hayaa maamulka Man United oo ka damqanaya mushaarka qaaliga ah ee uu Old Trafford ka qaato.

Alexis Sanchez ayaa ah xidiga ugu mushaarka qaalisan horyaalka Premier League isaga oo todobaad kastaba u xaadira nus milyan gini oo aanu adeegisii laga doonayay ku qaban Old Trafford. Man United ayaa Mkhitaryan gacanta ka galisay Arsenal si ay Sanchez ula wareegaan laakiin labadan xidig ayaa hadda ku jira laba xaalood oo gabi ahaanba kala duwan.

Manchester United waxay diyaar u tahay in ay dhamaadka xili ciyaareedkan iska iibiyaan Alexis Sanchez kaas oo todobaad kastaba mushaar ahaan u qaata  £500,000 kun oo gini laakiin war soo baxay ayaa sheegaya in Sanchez uu iska diidi doono qorshe kasta oo lagu iibinayo.

Ilwareed ayaa lagu sheegay in Alexis Sanchez aanu ka baxayn Man United: ” Waxa uu doonayaa in uu baaqi ku sii ahaado United, mana jiro wax qorshe ah oo uu ku baxayaa”. Wuxuuna arinkani dhibaato wayn ku yahay maamulka Man United oo u dul qaadan kari waayay mushaarka badan ee uu Sanchez qaato iyo xaalada xun ee uu kooxda kaga soo jiray tan iyo markii uu Old Trafford soo gaadhay.

Kooxda PSG iyo waliba horyaalka Spain ayaa ahaa meelihii lala xidhiidhinayay Sanchez balse dhibta ugu wayn ayaa ah mushaarka waalida ah ee uu Man United ka qaato kaas oo ayna waqti xaadirkan jirin koox diyaar u ah in ay ka bixiso xidig xalaadan xun oo kale ku jira.

Man United ayaa ka shalaynaysa go’aankii ay Alexis Sanchez kaga dhigeen xidiga abid ugu mushaarka badan Premeir League taas oo waliba saamayn xun ku yeelatay qolka labiska kooxdeeda iyada oo De Gea uu iska diiday in uu saxiixo heshiiska cusub ee la doonayay in uu kooxda ku sii joogo wuxuuna doonayaa in mushaarkiisu uu ka ag dhawaado kan Sanchez.

Wargayska Express ayaa shaaciyay in Alexis Sanchez uu cidhbaha ku qodon doono Old Trafford isla markaana uu iska diidi doono isku day kasta oo ay maamulka kooxdiisu ku doonayaan in ay iibiyaan suuqa xagaaga ee dhamaadka xili ciyaareedkan taas oo Red Devils ku qasbi karta in ay sii haystaan xidig xaalad xun ku jira isla markaana mushaar waali ah qaadanaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*