WAR CAD: Marcelo Vieira Oo War Cadi Kasoo Yeedhay & Wararkii La Xidhiidhinayay Inuu Juventus Kula Midoobayo Cristiano Ronaldo Oo Uu Ka Hadlay.

Daafaca kooxda Real Madrid ee Marcelo Viera ayaa war cad kasoo saaray xaaladiisa kooxda ee haatan isaga oo baraha bulshada u adeegsaday farriin u muuqatay mid uu kaga jawaab celinayo wararka xanta ah ee magaciisa suuqa dhigaya.

Marcelo ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay si aan kala go’ lahayn loola xidhiidhinayaa kooxda Juventus isagoo ay xataa wararka qaar sheegayaan inuu haatanba heshiis la meel dhigay kooxdaas.

Haddaba, Walow haatan jamaahiirta kooxdu filayeen inuu ku jiro maalmihiisii ugu dambeeyay ee kooxda ayuu Marcelo qoraal uu soo dhigay barta Instagram kaga yaabsaday dadki fikradahaas qaba.

Daafacan bidix oo aan haysan kalsoonida tababaraha haatan ee Santiago Solari isla markaana aan ku jirin qorshayaashiisa ayaa soo daabacay sawir uu tababar ku qaadanayo xerada tababarka kooxda ee Valdebebas.

Sawirka Daafacan ayuu la socday qoraal odhanayay “AQUÍ ES MI CASA!” kaas oo la micno ah “Halkani waa gurigeyga” waana farriin cad oo muujinaysa in Madrid ay tahay gurigiisa.

Warka Marcelo ayaa ah mid meesha ka saaraya wararka ay  qorayaan inta ugu badan saxaafada Talyaanigu kuwaas oo ah inuu maanka ku hayo sidii uu dib ugula midoobi lahaa Cristiano Ronaldo oo suuqii xagaaga Real ku doorsaday Juventus.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*