Halyeeyga Man United Ee Eric Cantona Oo Ku Sigtay Inuu Gacanta Ula Tago Aabaha Neymar & Ilaalada Oo Soo Kala Gaadhay Kaddib Kulankii Man United Iyo PSG.

Halyeeyga kooxda Manchester United ahna xiddigii xulka France ee Eric Cantona ayaa ku dhawaaday inuu gacanta kala hadlo aabaha dhalay Neymar JR kaddib kulankii ay Man United guusha weyn kasoo gaadhay kooxda Paris Saint-Germain.

Man United ayaa soo samaysay guul soo laabasho cajiib ah iyaga oo 1-3 kaga soo adkaaday Paris kulan xiiso badan waxaana kulankaas ka dhashay isku dhacyo badan oo dhinac kasta taabtay.

Cantona oo lagu xasuusto dhaqankiisii waalida ahaa ee xiligiisii ciyaartoynimo iyo sidii dhawrka jeer loogu ganaaxay inuu ciyaartoy ama taageere wax yeelay ayaa markale dib loo dareemay dabeecadiisa kakan.

Haddaba, Wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in Cantona ay isku dhaceen aabaha Neymar iyo waliba asxaabta xiddiga ree Brazil oo kursiga uu fadhiyay ka ag dhawa iyadoo ugu dambayn loo yeedhay ilaalada si ay labada dhinac u kala qabtaan.

Aabaha Neymar ee Neymar Snr ayaa intaa kaddib la sheegayaa inuu cay afka u furtay Cantona iyo shaqsiyaadkii la socda ee kulanka la daawanayay.

Kabtankii hore ee Manchester United ayaa marka uu ka daawanayay kulanka ag fadhiyay qoysaska xiddigaha ree Brazil ee Neymar, Dani Alves iyo Marquinhos.

Si lamid ah wargeyska RMC oo dhinaciisa wax ka qoray dhacdadan ayaa sheegay in Cantona uu afkiisa gacanta saaray isaga oo jamaahiirta Paris u sheegaya inay afkooda xidhaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*