GUMAAD: Ma Daawanaysaan Liverpool? Bayern Munich Xasuuq Wayn U Gaysatay Wolfsburg, Hogaanka Bundesliga Oo Ay La Wareegeen Iyo Ribery Oo Fariinta Culus U Diray Liverpool.

Kooxda Bayern Municy ayaa xaaladii ugu fiicnayd ee kooxdeeda ku soo laabtay waqti aad xili ciyaareedka kooxdeeda muhiim ugu ah waxayna gumaad wayn u gaysteen kooxda Wolfsburg oo marti ku ahayd Allianz Arena. Bayern Munich ayaa ugu danbayn ku soo laabtay hogaaminta Bunesliga.

Bayern Munich ayaa guushan wayn gaadhay waqti ay isku diyaarinayaan kulanka arbacada ay Liverpool ku soo dhawayn doonana isla Allianz Arena ee lugta labaad ee tartanka UEFA Champions league. Bayern Munich ayaa farqiga goolasha kaga sare martay Borussia Dortmund oo iyaguna guul ka gaadhay kooxda Stuttgar.

Bayern Munich oo xili ciyaareedkan dhibaato badan soo martay ayaa hadda waqtigii ugu muhiimsanaa ku soo laabtay xaaladii ugu fiicnayd waxayna 6-0 ku gumaadeen kooxda Wolfsburg oo marti ahayd Bavaria waxaana kulankan saddex gool caawin ka sameeyay Frank Ribery oo waliba ciyaarta badal ku soo galay.

Waxaa gool dhalinta Bayern Munich daqiiqadii 34 aad bilaabay  Serge Gnabry laakiin saddex daqiiqo oo kaliya kadib waxaa goolka labaad raaciyay Robert Lewandowski oo laba gool kulankan ka dhaliyay.

Laakiin qaybtii labaad ee ciyaarta Bayern Munich ayaa saddex gool oo kale la timid iyada oo James Rodriguez, Thomas Muller iyo Joshua Kimmich ay dhamaantood min hal gool dhaliyeen qaybtii labaad taas oo Lewwandowski siisay goolkiisa labaad ee kulankan.

Bayern Munich ayaa ugu danbayn Borussia Dortmund kala wareegtay hogaanka Bunesliga kadib iyada oo goolasha badan ee ay Bayern ka dhalisay kulanka Wolfsburg ay sabab u noqdeen in farqiga goolasha ay Bavaria ku hormartay balse waxay Dortmund iyo Bayern wadaagaan min 57 dhibcood iyada oo 9 kulan hadhsan yihiin.

Laakiin markii ay ciyaartani soo dhamaatay Franck Ribéry ayaa fariin digniin ah u sii diray kooxda ay arbacada soo dhawayn doonaan ee Liverpool wuxuuna sida aad qoraalkiisa hoose ka arki karto uu ku yidhi: “Bayern Munich waa ciyaar fantastik ah. Aan sidan oo kale samayno arbacada”

Dhinaca kale tababaraha Bayern Munich ee Niko Kovac ayaa farxad ka muujiyay in kooxdiisu ay goolal nus darsin ah guul ku gaadhay wuxuuna sheegay in ay guushan iyo goolashan u qalmeen isla markaana ay heleen halkii ay doonayeen oo ah hogaaminta Bundesliga.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*