CADDAYN: Cristiano Ronaldo Waa In Laga Xayuubiyo Masuuliyada Laadadka Xorta Ah Ee Juventus, Xiddigaha U Qalma & Caddaynta Sida Uu Hoos Ugu Dhacay.

Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa laga dareemayaa hoos u dhac weyn oo dhinaca laadadka xorta ah dhawaanahan walow wali la aaminsan yahay isla markaana ay kooxdiisu gacanta usii gelinayso masuuliyadaas.

Juve ayaa wali haysata laba takhasus oo kale oo dhinaca laadadka xorta ah ku wanaagsan waana Paulo Dybala iyo Miralem Pjanic balse waxa ay wali ka dambeeyaan Ronaldo.

Markii uu Ronaldo sida layaabka leh ugu soo wareegay Juve suuqii xagaaga ayuu Dybala sida uu sheegay qolka wada sheekaysiga xiddigaha Juve farriin ugu diray Pjanic isaga oo u sheegay inuusan xilli ciyaareedkan qaadan doonin laadadkii xorta ahaa.

“Waan ka xumahay Mire, Laakiin uma malaynayo inaad laadad xor ah oo badan qaadan doonto xilli ciyaareedkan” Ayuu Paulo u qoray Miralem.

Pjanic oo dhinaciisa ka hadlaya imaatinka Ronaldo ayaa yidhi “Ugu horreyntii marka aanu ka shaqaynayno laadadka xorta ah, Waxa ay ahayd ama aniga ama Dybala inuu iyaga qaato, Haatan waa boqolkiiba boqol (Ronaldo), Sida iska cadna isagu waa laad xora tuure weyn”

Haddaba, Caddaynta hoos u dhaca laadadka xorta ah ee Ronaldo ayaa ah mid aan markhaati u baahnayn maadaama oo uu kaliya sagaal laad oo xor ah soo dhaliyay shantii sano ee ugu dambeeyay halka uu mudadas 24 kusoo dhaliyay ninka ay xifaaltamaan ee Lionel Messi.

Ronaldo ayaan canaan badan ku mudan karin midaas maadaama oo uu 174 laad oo xor ah tuuray mudadaas halka Messi uu tuuray 286 balse heerka boqoleyda ee Ronaldo ayaa ah 5% halka midka Messi uu yahay 8%.

Xogtan ayuu rekoodhka ugu fiican ka haystaa Willian oo Chelsea ka tirsan kaas oo 11 gool oo laad xor ah ku dhaliyay 61 jeer oo uu tuuray.

Dhinaca kale xiddigaha uu Ronaldo haatan booska laadadka xora ah ka haysto ee Dybala iyo Pjanic ayaa kaga wanaagsan isaga ka xog ahaan maadaama Dybala uu soo dhaliyay 10 laad oo xor ah kaddib 64 uu qaatay halka Pjanic uu soo dhaliyay 14 kaddib 91 isku day.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*