Patrice Evra Oo Xamaasadu Qaaday Kuna Jaasay Tunnel-ka Parc Des Princes, Ciyaartoyda PSG Oo Ka Xanaaqay & Dareenkii Waalida Ahaa Ee Kaddib Kulankii Xalay.

Kooxaha Manchester United iyo PSG ayaa xalay ciyaaray kulan taariikhiya iyadoo United noqotay kooxda ugu dambayn kusoo baxday kulanka isla markaana iska xaadirisay wareega siddeed dhammaadka ee Champions League.

Kulanka kaddib qolka labiska ee Man United ayaa galay xaalad waali ah isagoo oo gabi ahaanba ahaa mid ruxmayay kaddib markii ay ciyaartoyda kooxdaasi isku dareen jaas, heeso ay shideen iyo erayo ay ku jiibinayeen.

Sida haatan laga helay wargeyska RMC xiddigaha PSG ayaa dareemay in dabaaldega kooxda martida ahayd uu ahaa mid xuduudkiisa soo dhaafay iyaga oo soo baxay isla markaana ay xaaladu xumaatay kaddib markii labada saf ay isku dhaceen.

Kaddib qaska iyo dabaaldega xad dhaafka ah ee ciyaartoydii United iyo cadhada xiddigaha Paris ayaa lagu soo warramayaa in kooxda amaanka ee garoonka loo wacay si ay xaalada u dejiyaan.

RMC ayaa intaa ku daraya in shaqsiga cadhada ugu weyn ku abuuray xiddigaha PSG uu ahaa halyeeyga United ee Patrice Evra kaas qayb ka ahaa waftigii kooxda ee u safray caasimada France isaga oo tunnel-ka gegida ee qolka labiska loo maro ka sameeyay qaylo, jaas iyo waliba inuu heeso.

Ilo ku dhaw dhaw PSG ayaa sheegaya in kaddib dhacdadaas ay xaaladu cirku isku shareertay maadaama ay xiddigaha kooxdu dareemeen inay ahayd inuu ixtiraam muujiyo.

Guuldaradii soo gaadhay kooxda tababare Tuchel ayaa ah midii saddexaad ee xidhiidh ah ee kusoo gaadha wareega 16-ka saddexdii sano ee ugu dambeeyay.

Ugu dambayn, Wararka ayaa intaa ku daraya in ciyaartoygii ugu horreeyay ee PSG ah ee qolka labiska ka taga uu baxay saacad kaddib kulanka maadaama oo ay dhammaantood yaab ku noqotay qaabka ay tartanka ku macasalaameeyeen.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*