Man United Oo Si Layaableh Ugu Soo Baxday Siddeed Dhamaadka Champions League, Qalbi Jabkii PSG Ee Muuaal Caawiyaha VAR, Lukaku Oo Laba Gool Dhaliyay Iyo Solskjaer Oo Booskiisa Xaqiijistay.

Manchester United ayaa si layaableh ugu soo baxday siddeed dhamaadka UEFA Champions league kadib markii rekoodhe lagu abaal mariyay daqiiqadii 90 aad ee dhamaadkii ciyaarta waqti ay Red Devils tartankan dibada ka ahayd, laakiin goolkan rekoodhaha ahaa oo uu Rashford dhaliyay ayaa Man United ka caawiyay in ay u soo baxday siddeed dhamaadka Champions League.

Romelu Lukaku ayaa ahaa xidiga soo celiyay labadii gool ee ay PSG guusha ku gaadhay kulankii Old Trafford waxaana PSG qalbi jabiyay muuqaal caawiyaha garsoorka VAR kaas oo Kimpembe ku ciqaabay in uu kubbada gacan u adeegsaday dhamaadkii ciayarta.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa sameeyay taariikh si uu Manchester United ugu soo saaro siddeed dhamaadka UEFA Champions League wuxuuna hadda si buuxda maamulka kooxdiisa United ugu qasbayaa in ayna raadsan tababare kale.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

MANCHESTER UNITED (3-5-2): David de Gea; Chris Smalling, Eric Bailly, Victor Lindelof; Ashley Young, Fred, Scott McTominay, Andreas Pereira, Luke Shaw; Romelu Lukaku, Marcus Rashford.

Kaydka: Marcos Rojo, Diogo Dalot, Sergio Romero, James Garner, Tahith Chong, Angel Gomes, Mason Greenwood.

PSG (4-4-1-1): Gianluigi Buffon; Thilo Kehrer, Thiago Silva, Presnel Kimpembe, Juan Bernat; Dani Alves, Marquinhos, Marco Verratti, Angel di Maria; Julian Draxler; Kylian Mbappe.

Kaydka: Leandro Paredes, Edinson Cavani, Thomas Meunier, Alphonse Areola, Eric Maxim Choupo-Moting, Layvin Kurzawa, Colin Dagba.

Daqiiqadii 2 aad Man United ayaa si lama filaan ah hadiyad layaableh uga heshay difaaca PSG ee Kehrer kaas oo Rumelu Lukaku siiyay fursad uu goolka PSG ugu hor helay kubbad uu Kehrer  dib ugu celiyay Thiago Silva, wuxuuna Lukaku dhaliyay goolka ciyaarta xamaasada waalida ah u yeelay ee ay Man United rajadii kooxdeeda sare ugu soo qaaday.

Thiago Silva ayaa ku sigtay in uu rekoodhe ku galo Lukaku isaga oo waliba ahaa xidiga ugu danbeeyay taas oo keeni kartay in kaadhka cas iyo rekoodhe layskugu daro laakiin Lukaku ayaa ka dhex baxay taakalkii Silva iyo goolhaye Buffon oo soo baxay waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Man United hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Daqiiqadii 12 aad PSG oo ciyaarta gacan ku haynteeda si buuxda ula wareegtay ayaa la timid goolka barbaraha kadib markii uu Mbappe awooday in uu kubbad dilaa ah soo hor mariyay goolka Man United waxaana kubbadan goolka barbaraha ku dhaliyay Juan Bernat kaas oo ciyaarta ka dhigay barbaro 1-1 ah.

PSG ayaa bilawday weeraro dhul gariir ah laakiin Man United ayaa muujisay adkaysi iyo waliba difaacasho wadar ah oo aad u saraysa waxayna PSG ku qasbeen in ay kubbada isku dhex wareejiyaan iyaga oo garan waayay halkii ay ka saari lahaayeen.

Daqiiqadii 20 aad PSG ayaa kubbad layaableh soo dhistay iyada oo Di Maria iyo Mbappe ay shaqo xoogan soo qabteen laakiin Bernat oo la siiyay fursad kale oo gool dhalin cadaan ah ayaa darbadiisa la soo daahay waxaana kubbada shabaqa gali lahayd joojiyay De Gea.

Daqiiqadii 28 aad markii ay ciyaartu maraysay PSG ayaa boosishanka ciyaarta ku qabtay boqolkiiba 85% iyada oo ciyaartoyda Man United ay xerada ganaaxa kooxooda ku soo urureen laakiin wali shaqada difaacasho ee ay hayeen ayaa noqotay mid PSG u diiday in ay goolal kale dhaliyaan.

Daqiiqadii 30 aad Man United ayaa markale heshay gool ku yimid qalad xun oo uu goolhaye Buffon ka sameeyay darbo uu Rashford meel fog ka soo tuuray, wuxuuna Buffon awoodi waayay in uu kubbada qabto ama iska fogeeyo laakiin kubbada sida xun garabka ugaga dhacday ee ka soo booday ayuu markiiba Lukaku shabaqa ku taabtay.

Waxay noqotay xaalad waali ah oo PSG qalbi jab ku abuurtay in markii labaad ee ciyaarta ay gool aan meelna ka iman sabab iskugu noqdeen, wuxuuna goolkani keenay in Man United ay niyad ahaan sare u soo kacday isla markaana ay PSG kalsoonidii badnayd hoos uga dhacday.

Tababare Thomas Tuchel ayaa arkayay Buffon iyo Thilo Kehrer oo kooxdiisa ka galaaftay labadii gool ee ay Old Trafford ku soo dhaliyeen iyada oo waliba ay kaydka fadhiyeen xidigaha sida tooska ah badalka ugu ahaa Alphonse Areola iyo  Thomas Meunier.

Daqiiqadii 36 aad musiibada dhaawacyada Man United ayaa halkeeda ka sii socotay waxaana qaybtii hore dhamaysan kari waayay Eric Bailly iyada oo kaydka laga soo kiciyay Diogo Dalot kaas oo dar dar fiican ku soo kordhiyay kooxdiisa United.

Si kastaba ha ahaatee, qaybtii hore ee ciyaarta aya lagu kala nastay 2-1 ay Man United hogaanka ciyaarta ku haysay balse ay wali PSG ku soo baxsanayd natiijada wadarta labada kulan oo ay hogaanka ku haysay 3-2 waxaana lays waydiinayay waxa dhici karayay 45 kii qaybtii labaad ee ciyaarta.

Markii laysugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay labada kooxood soo laabteen iyaga oo aan waxba shaxahooda ka soo badalin waxayna PSG sii waday in ay kubbad haynta iyo boosishanka ciyaarta iska sii haysatay halka Man United ay wali difaacasho shaqo ka dhigtay isla markaana ay weeraro rogaal celis ah ku raadinaysay goolal.

Daqiiqadii 56 aad PSG ayaa u dabaal degtay goolkeeda labaad kadib markii uu Di Maria kubbad qurux badan ka dul qaaday goolhaye De Gea taas oo uu Mbappe ka helay laakiin goolkan ayaa loo diiday in uu offside ku jiray Di Maria. Intaa kadib ciyaarta ayaa noqotay mid laysku caajisay oo labada kooxood isku mari waayeen.

Daqiiqadii 70 aad Julain Draxler ayaa dalbaday in ciyaarta laga saaro kadib markii uu dhaawac muruqa ahi soo gaadhay waxayna PSG hal mar wada samaysay laba isbadal iyada oo booskii Draxler uu soo galay  Meunier waxa kale oo la soo galiyay Paredes waxaana la saaray T. Kehrer oo lahaa qaladkii goolkii furitaanka.

Ciyaarta ayaa noqotay mid walwal badan ku haysay PSG maadaama oo ay Man United u baahnayd gool kaliya si ay wareega xiga ugu soo baxdo waxaana PSG ku adkaaday in ay goolka labaad keensato inkasta oo ay xataa fursado fiican heleen.

Daqiiqadii 80 aad Solskjaer ayaa ciyaarta ka saaray Andreas Pereira wuxuuna kaydka ka soo kiciyay da’yarka Tahith Chong.

Daqiiqadii 84 aad Alla Maxay Waali Ahayd!! Kylian Mbappe ayaa kubbad kula soo baxay  goolhaye De Gea kadib markii uu isku dayay Mbappe in uu dhinac ka maro De Gea balse ay lugtu u siibatay laakiin Bernat ayaa u muuqday in uu dhalinayo goolka ciyaarta soo gaba gabayn lahaa laakiin darbadiisa ayaa birta ku dhacday!!.

Man United ayaa difaacashadii ka soo baxday waxayna bilawday in ay raadiyaan goolka ka xigay in ay wareega xidiga u soo baxaan waxayna ciyaartu gashay xaalad walwal badan oo xamaasadii ugu danbaysay lagu dabaalamayay.

DAQIIQADII 90 AAD REKOODHE!! Garsooraha ayaa kubbad uu koorne ka dhigay waxa uu tilmaan ka helay garsooraha muuqaal caawiyaha VAR wuxuuna ku wargaliyay in rekoodhe ay tahay maadaama oo uu Kimpembe uu kubbada gacanta ku celiyay wuxuuna waqti waali ah garsooruhu go’aamiyay in ay rekoodhe Man United heshay.

Daqiiqadii 90+4 aad Marcus Rashford ayaa kubbada hor dhigtay goolhaye Buffon wuxuuna si xoogan ku dhaliyay rekoodhaha dahabiga ahaa ee ay kooxdiisu heshay daqiiqadihii ugu danbeeyay, wuxuuna Rashford dhaliyay goolka kooxdiisa United u soo saaray siddeed dhamaadka Champions League.

Alla maxay waali ahayd! PSG ayaa qalbi jab wayn oo kale kala kulantay Champions League iyada oo Man United caawin muhiim ah ka heshay muuqaal caawiyaha garsoorka oo si rasmi ah kulankan u go’aamiyay laakiin PSG ayaa nafteeda eersanaysa maadaama oo ay ciyaarta oo dhan soo maamulayeen balse ay dili kari waayeen.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3-1 ay Man United ku soo dubatay PSG isla markaana ay dhinaca kale ugu dhigtay natiijadii 2-0 ka ahayd ee Old Trafford, waxayna PSG martay ciqaab kale oo Champions league ah.

3 Comments

  1. Waxa aan manta xasuustay tariikhiihi man utd so dhigi jirtay waa koox champion runti waxanu manta nasiib baladhan u helnay tababare la khibrad noqday sir alex oo la fahmi karo dadka uu mesha la yimi say ahayen iyo psg say ahayen ciyartoydu oo naga awood badnaa runtii waa guul tariikh abuurtay markad tahay tageere inbadan kooxda u so waaayo joogay kubada dhinac walba wad ka egaysa ano oga inay psg tahay koox qawiya iyo waxii ciyartoy wadanay tuntii waad aminaysa inay wax walba dhacayan lkn manta haday man utd timi 8deed dhamaatka waxkasta filo

  2. Manchester United wax cusub lee champions league ku soo Kor dhisaa 17 jir greenwood 19 chong 19 dalot yaahuuu rigoorada waxaa tuuranaayay 21jir waxaa in uu badbaadiyo oo is tuuro laga sugaayay 41 jir sorry buffon thanks Rashford

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*