DAGAAL: Kadib Wacdarihii Uu Kabtanka Ajax Ee Matthijs de Ligt Ka Sameeyay Kulankii Real Madrid, Dagaalka Kooxaha Yurub Oo Sii Laba Jibaarmaya.

Kooxaha Yurub ugu waa wayn ayaa si wayn ugu dagaalami doona saxiixa kabtanka kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt kaas oo isaga oo 19 sano jir ah ka soo baxay masuuliyada kooxdiisa isla markaana soo sameeyay bandhigyo kooxaha Yurub ku qasbaya in ay lacag waali ah ku kharash gareeyaan.

Kooxda Ajax ayaa caan ku ah in ay tahay kooxaha ciyaartoyda ugu fiican ka soo saara xarunta da’yarteeda waxayna haystaan koox da’yar u badan oo qaab ciyaareedkii ay sameeyeen xili ciyaareedkan si wayn loola yaabay. Ajax ayaa xili ciyaareedkan afar kulan la soo ciyaartay kooxaha Bayern Munich iyo Real Madrid, waxayna ku muujiyeen tayada ciyaartoyda ay haystaan.

Laakiin kabtanka kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt oo kulankii xalay ee Real Madrid shaqo layaableh ka qabtay difaaca kooxdiisa isla markaana doorkii hogaamineed ka soo baxay ayaa hadda dhexda ugu jira dagaalkii hore oo sii laba jibaarmaya.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Matthijs de Ligt uu isna marayo dariiqii saaxiibkiisa Ajax ee Frenkie De Jong kaas oo bishii January heshiis qaali ah u saxiixay Barcelona kaas oo Camp Nou soo gaadhi doona July 1,2019 markaas oo uu si buuxda u bilaaban doono waayihiisa cusub ee Barcelona.

De Jong laftiisa ayaa amaan waali ah saxaafada aduunka kaga helay qaab ciyaareedkii uu xalay ka sameeyay kulankii Real Madrid, laakiin iyada oo arinta mustaqbalk De Jong lagu kala hagaagay, waxaa hadda daawaha saaray Matthijs de Ligt  kaas oo ay kooxaha Yurub ugu waa wayn isha kuwada hayaan.

Kooxaha Barcelona, Juventus, Manchester City, Real Madrid, PSG, Liverpool iyo Arsenal ayaa dhamaantood ka mid ah kooxaha ay saxaafada kubbada cagtu soo qaaday magacooda ee lala xidhiidhinayo kabtanka Ajax ee Matthijs de Ligt  kaas oo muujiyay in uu yahay mustaqbalkii kubbada cagta.

Laakiin kooxda Ajax ayaan si sahlan ku iibin karin kabtankeeda Matthijs de Ligt  waxayna dul dhigi doonaa qiimo lacageed oo kooxaha Yurub ku qasbi doona in ay jeebkooda si wayn hoos ugu galiyaan haddii ay doonayaan saxiixa De Ligt.

Ajax ayaa 86 milyan Yuro kula heshiisay Barcelona ee saxiixa Frenkie De Jong waxaana la filayaa in qiimaha Matthijs de Ligt  aanu ka hoosayn doonin haddii aanu sare xifiltanka kooxaha Yurub ugu waa wayni sare u sii qaadinba.

Si kastaba ha ahaatee, Matthijs de Ligt ayaa bandhigii uu xalay ka sameeyay kulankii Real Madrid waxa uu kooxaha Yurub ugu qasbay in ay xaaladiisa si buuxda u qiimayn doonaan isla markaana si xoogan loogu dagaalami doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*