SUUQA: Liverpool Oo Dhabar Jab Weyn La Kulmaysa Iyo Xiddig Ay Mudo Dheer Suuqa Ugu Jireen Oo Heshiis La Gaadhay Bayern Munich.

Kooxda Liverpool ayaa wajahaysa halis weyn oo dhinaca suuqa kala iibsiga ah maadaama xiddig ay mudo dheer sababtiisa ugu jireen suuqu uu heshiis haatan la gaadhay kooxda Bayern Munich.

Xiddigaas ayaa ah Timo Werner oo 22 sano jir weerarka uga dheela kooxda RB Leipzig ayaa saxeexiisa lala xidhiidhinayay kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo PSG balse kooxda inta ugu badan lala xidhiidhiyay ayaa ahayd Liverpool.

Wargeyska ree Germany ee SportBild ayaa shaaciyay in haatan heshiiska shaqsiga ah la isla meel dhigay isla markaana ay haatan kaiya su’aashu ka taagan tahay wakhtiga uu Werner u wareegayo Bavaria.

Werner oo aan ku jirin liiska kooxdii barbaraha la gashay Hoffeinheim Isniinti ayaan wax gool ah soo dhalin tan iyo kasoo laabashadii fasaxii xagaaga ayuu heshiiskiisa haatan ee Leipzig dhacayaa 2020.

Leipzig ayaa xiddigeeda u furtay kaliya laba doorasho iyaga oo doorashada koowaad uga dhigay in heshiis cusub laga saxeexo laba jibaarna looga dhigo mushaharkiisa halka ay doorashada labaad u siiyeen inuu bixi aro.

Timo Werner ayaa lagu soo warramayaa inuu qaatay qoddobka dambe ee ah inuu kooxda ka baxo waxaana uu haatan ka fikirayaa haddii uu suua xagaaga u wareegi lahaa dhinaca Bayern ama haddii uu qaab xor ah ugu biiri lahaa 16 bilood kaddib.

Kulanka ay Liverpool raga qiimeeyayasha ah u dirsatay xiddigan ree Germany ayaa lagu sheegay midkii uu labada gool kasoo dhaliyay Borussia Monchengladbach bishii December waxaana taageere weyn u ah macalinka kooxdaas ee Jurgen Klopp.

 

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*