YAAB! Waa Maxay Dhaqanka Layaabka Leh Ee Ciyaartoyga Chelsea Ku Arkaan Maurizio Sarri Xilliga Tababarka?

Ciyaartoyga kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa dhaqan layaab leh ku arkay tababarahooda Maurizio Sarri horraantii xili ciyaareedkan.

Sida uu qoray wargeyska Telegraph ee kasoo baxa waddanka Talyaaniga, ciyaartoyga kooxda ayaa ka dhigtay sheeko iyo qosol dhaqan aanay weligood ku arag garoomada oo tababare Sarri ula yimid markii xilka loo magacaabay, kaas oo waqtiyada ay laacibiintu tababarka samaynayaan bannaanka garoonka iska fadhiisan jiray.

Sarri oo ay wehelinayaan shaqaalaha kale ee tababarka ee gacan-yareyaasha ayaa waxa uu iska fadhiisan jiray bannaanka garoonka, waxaanay halkaas ka bilaaban jireen sheeko iyo inay cabbaan sigaar.

Arrintan oo yaab ku noqotay ciyaartoyga kooxda, ayaa waxa wargeysku sheegay in sida silsiladda uu Maurizio Sarri iskugu xidhiidhin jiray sigaarka oo marka uu mid bakhtiyaba uu kan kale shidayey.

Chelsea oo Axaddii ay Manchester City ku karbaashtay 6-0 ayaa waxay horraantii xili ciyaareedka ku bilowday qaab wanaagsan, hase yeeshee waxay sannadkan 2019 isku beddeshay koox uu cadaadis saaran yahay, iyadoo Bournemouth ay ku dhufatay 4-0 sidoo kalena ay Man City guul-darradii ugu weynayd u xambaarisay.

Tababare Sarri ayaa waxa saaran culays, waxaana ay warar laysla dhex marayaa sheegayaan in mulkiilaha Chelsea, Ramon Abramovich uu ka fikirayo inuu shaqada ka  caydhiyo.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*