Tababare Premier League Ka Shaqeeya Oo Wargayska Caanka Ah Ee L’Équipe U Soo Xulay Shaxda Isku Darka Man United & PSG Ee Ka Hor Kulanka Old Trafford.

Indhaha kubbada cagta caalamka ayaa caawa ku soo jeeda Old Trafford halkaas oo ay ka dhici doonto mid ka mid ah ciyaaraha uu ugu xiisaha badan ee wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League iyada oo Man United isku dayi doonta in ay sii wado horumarkii layaabka lahaa ee ay ku soo hoos samaysay Ole Gunnar.

Markasta oo la ciyaarayo kulan wayn oo kubbada cagta ah waxaa la sameeyaa shaxda isku dhafka ciyaartoyda labada kooxood waxaana soo doorta warbaahinta ama khabiirada kubbada cagta laakiin markan tababare ka tirsan kooxaha Premier league ayaa wargayska caanka ah ee L’Équipe u soo xulay shaxda isku darka Man United iyo PSG.

Tababaraha kooxda Leicester City ee Claude Puel ayaa wargayska L’Équipe u soo xulay shaxda isku darka kooxaha Manchester United iyo PSG ee ka hor kulanka caawa ku dhex mari doona Old Trafford, waxaana shaxdan laga saaray ciyaartoyda aan kulanka caawa taamka u ahayn.

Neymar Jr iyo Edinson Cavani oo ay hubaal noqon lahayd in ay shaxda isku darka Man United iyo PSG ku soo bixi lahaayeen ayaa sababta dhaawacyadooda looga saaray taas oo badisay fursada fursada ay ciyaartoy United ahi shaxdan kaga soo muuqdeen.

Tababaraha kooxda Leicester City ee  Claude Puel ayaa shaxda isku dhafka ah ee Man United iyo PSG waxa uu goolka u soo xushay David De Gea isaga oo afarta difaaca ah min laba xidig ka soo xushay kooxahan waxaana ku soo wada baxay Thiago Silva iyo Marquinhos oo PSG ka tirsan si la mid ah Ashley Young iyo Luka Shaw oo Man United u ciyaara.

Claude Puel ayaa saddexda khadka dhexe u soo xushay Pual Pogba, Nenamja Matic iyo Marco Verratti oo saddex khadka dhexe oo ay adkaan lahayd in la garaaco haddii ay hal koox ugu soo wada bilaaban lahaayeen.

Ugu danbayn  Claude Puel ayaa safka weerarka shaxda isku dhafka Man United iyo PSG u soo xulay Martial iyo Rashford oo Man United ka tirsan iyo da’yarka PSG ee Kylian Mbappe taas oo shaxdan ka dhigtay mid xiiso leh laakiin waxaa boos waayay Lukaku, Sanchez, Di Maria iyo xidigo la mid ah.

Shaxda Isku Darka Man United iyo PSG ee tababaraha Leicester City ee  Claude Puel uu u soo xulay Wargayska  L’Équipe oo dhamaystiran:

Man United vs PSG XI: David De Gea – Ashley Young, Thiago Silva, Marquinhos, Luka Shaw – Pual Pogba, Nemanja Matic, Marco Verratti – Anthony Martial, Kylian Mbappé, Marcus Rashford.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*