Tababaraha Xulka Qaranka Brazil Oo Sii Calaamadsaday Shaxda Uu Ku Ciyaari Doono Tartanka Copa America Iyo Xiddigihii Waaweynaa Oo Godkooda Biyo Ugu Galeen

Tababaraha xulka qaranka Brazil, Adenor Leonardo Bacchi (Tite) ayaa sii calaamadsaday sida uu noqon doono safka kooxdiisa iyo xiddigaha uu ku dagaal geli doono tartanka Copa America ee lagu qaban doono waddankaas badhtamaha sannadkan.

Tartanka Copa America ayaa waxa uu ka bilaabmi doonaa waddanka Brazil markay taariikhdu tahay June 14 illaa July 7, waxaana uu dalkaasi u dagaallamayaa sidii uu ugu guuleysan lahaa kaddib ceebihii ka raacay Koobkii Adduunka ee sannadihii ugu dambeeyey.

Tababare Adenor Leonardo Bacchi (Tite) ayaa waxa uu waddanka Spain dhowaan usoo diray safiir gaar ah oo isha ku hayey laacibka da’da yar ee Vinicius Junior gaar ahaan ciyaartii El Clasico, waxaana uu ku warceliyey Tite in la gaadhay xilligii uu ka mid noqon lahaa shaxda koowaad ee uu garabka ku riixi lahaa laacibiin muddo soo xidhnaa funaanadda midabkeedu Huruudda/Jaalaha yahay.

Sidoo kale, Silvinho oo ah safiirka uu tababaruhu soo dirsaday ayaa waxa uu daawaday kulankii Madrid derby ee uu wacdaraha muujiyey Vinicius.

Tababaraha ayaa la sheegay inuu qorsheeyey in uu iska garab ciyaarsiiyo Neymar iyo Vinicius Junior oo ay noqdaan hoggaamiyeyaasha xulka, waxaana uu kusoo bixi doonaa xulashada xulka ee ugu soo horreysa oo la filayo in maalmahan la shaaciyo maadaama uu dalku isku diyaarinayo ciyaaro saaxiibtinimo oo March ay la ballansan yihiin Czech Republic iyo dal kale oo aan weli la shaacinin.

Haddii Neymar uu ciyaarahan taam u noqdo, waxay afka hore wadaagi doonaan Vinicius, haddii uu maqnaadana da’yarkan ayaa waxa uu ka garab ciyaari doonaa Roberto Firmino, Coutinho, Jesus iyo laacibiinta kale ee dalkaas.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*