Rauf Khalif Mise Cusaam Shuwali? Telefishanka beIN Sports Oo Soo Saaray Wariyeyaasha Qaban Doona Kulamada Caawa

Telefishanka ciyaaraha beIN Sports qaybtiisa luuqadda Carabiga ayaa soo saaray wariyeyaasha qaban doona xayeysinta ciyaaraha caawa ee tartanka Champions League.

Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku martigelin doonta PSG lugta koowaad ee wareegga 16-ka tartanka Champions League, waana kulanka ugu weyn ee caawa dhici doona, halka ciyaarta labaadna ay isku haleeli doonaan Roma iyo FC Porto.

Telefishanka beIN Sports, qaybta luuqadda carabiga ku baahisa kulamada ayaa waxa uu u asteeyey kulanka Manchester United iyo PSG ee garoonka Old Trafford inuu kasoo galo channel-ka beIN Sports 1, waxaana wada qaban doona laba wariye, halka ciyaarta Roma vs FC Porto ay sidoo kale hayn doonaan labada wariye, taas oo laga baahin doono channel-ka beIN Sports 2.

Wariyaha codka macaan ee Rauf Khalif ayaa waxa caawa ku qoran yahay ciyaar ka tirsan tartanka naadiyada qaaradda Asia oo dhex-mari doonta Esperance Tunis vs Olrland Pirates oo ka dhacaysa waddanka Tunisia, taas daraadeedna kama mid aha wariyeyaasha ay daawadeyaasha kulamada Champions League codkiisa ku maqli doonaan labada ciyaarood ee Man United vs PSG ama Roma vs Porto.

Ciyaarta Roma vs FC Porto ayaa waxa wada qaban doona labada wariye ee Khafiid Daraji iyo Xasan Caydarus, laakiin kulanka Man United vs PSG oo ah kan ugu weyn ayaa waxa isagana qaban doona labada wariye ee Cusaam Shuwali iyo Khaliil Balushi.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*